Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Madaxweynaha Somaliya oo gaaray Dalka Sacuudiga

Madaxweynaha dowladda FKMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray shalay gelinkii dambe Magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya si uu uga qeybgalo Shir madaxeedka Sadexaad ee dalalka islaamka oo ka dhici doona Magaalada makka Almukarama Maalinta beri ee arbacada ah.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo shalay ka duulay Garoonka Jowhar ayaa waxaa ku soo dhoweeyay Garoonka Caalamiga ah ee Boqor C/casiis Amiir Mishcal Bin Maajid Bin C/casiis oo ah Duqa Magaalada Jidda , Agaasimaha Guud ee Xafiiska Boqortooyada ee Jidda Maxamed Cusmaan Naadir iyo ku xigeenka Guud Garoonka Caalamiga ee Boqor C/casiis Samiir Madaax iyo tiro mas’uuliyiin ah oo ka tirsan dowladda sacuudiga .

Waxaa kaloo halkaasi ku soo dhoweeyay Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya C/llaahi Sheekh Ismaaciil , Safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga Axmed C/lla Maxamed iyo Qunsulka Guud ee Soomaaliya ee Magaalada Jidda Maxamed Cilmi Cumar .



Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muwdisho Somaliya