Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
C/laahi Yusuf oo shalay dib ugu soo laabtay Jowhar iyo eedeymo kala duwan oo safarkiisii Mustaxiil loo soo jeediyey.
 
Maalintii shalay duhurnimadii ayuuu madaxweynaha dawlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar ee xarunta dawlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya asagoo kasoo kicitimay degmada mustaxiil ee dhulka soomaalida ay leedahay ee wadanka Itoobiya.
 
madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliyay wafdi fara badan oo u badnaa saraakiil dhanka ciidanka sida wasiirka gaashaandhiga C/raxman Maxamud cali.
 
madaxweynaha ayaa deegaanka mustaxiil kulamo kula qaatay saraakiil iyo isugu jira itoobiyaan iyo kuwa puntland ka socda kuwaasoo bilihii lasoo dhaafay ku sugnaa ayaga iyo ciidamo ka yimid maamul goboleedka Puntland.dhanka kale eedeymo kala duwan ayaa loo soo jeediyey socdaalkii madaxweynuhuu uu ku tagay degmada mustaxiil .kulan maalintii shalay ahayd ay yeesheen xubnaha labada gole ee muqdisho ku sugan ayaa waxaa laga soo saaray qodobo dhowr ah oo lagu cambaaraynayo safarka madaxweynaha ee Mustaxiil .
 
xubnihii shalay ka qeyb galay kulankaasi ayaa sheegay in madaxweynaha uu ku xadgudbay sharcigii ay kawada heshiiyeen qeybaha kala duwan ee sooomaalida uuna isku darsaday awoodihii sharci dejinta iyo tii dawlada,waxayna ku tilmaameen nin ka gudbay waxyaabihii loo soo magacaabay oo ahaa dib u heshiisiinta soomaalida isuna badalay dagaal ooge cusub.
 
xubnaha labada gole ee muqdisho ku sugan ayaa sheegay in ay ka dhur sugayaan waxyaabaha uu madaxweynaha ku dhaqaaqo ka dib soo laabashadiisa mustaxiil.
 
sidoo kale xildhibaanka gacanta ku haya magaalada baydhabo Maxamed Ibrahim xaabsade ayaa sheegay in madaxweyne c/laahi yuuusuf uu qorsheynayo inuu weerar kusoo qaado magaalada baydhabo si uu gacanta ugu dhigo ayna u noqoto xarunta dawlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya .
 
dhinaca kale afhayeenka dawlada federaalka c/raxman nuur diinaari ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha ay soo jeediyeen xubnaha labada gole ee muqdisho ku sugan .
 
 
Maxamed cumar sheeq.
Rochester Somali Tv ,Muqdisho.