| Dec.05,2005
Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo ka ambabaxay Jowhar una Socdaaley Sucuudiga
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Wafdi uu hogaaminayo oo uu ka mid yahay
Wasiirka dib u heshiisiinta Sheekh Aadan ayaa maanta ka duulay Garoonka
Jowhar , iyagoo gaaray Magaalada Nairobi oo uu uga sii gudbayaan Magaaladda
Makka Almukarama ee dalka Boqortooyada sacuudi carabiya oo maalinta Arbacada
ah uu ka furmayo Shir madaxeedka dalalka Islaamka .

Shirka dalalka Islaamka ayaa ka qeyb ah arimaha Soomaaliya , iyadoo la
filayo inuu halkaasi hadal kooban ka jeediyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo
ku matalaya Magaca Soomaaliya.
Shirka Hogaamiyaasha Islaamka ayaa waxaa shirgudoomin doona Boqorka dalka
Sacuudiga C/lla Bin C/casiis , iyadoo daaha uu ka rogi doono Xoghayaha Guud
ee Ururka Islaamka Akmalu-diin Ixsaan Ooglo.

Dhinaca kale maanta ayaa waxaa Magaaladda makka Almukarama ka furmay Shirka
Wasiirada arimaha dibadda dalalka Islaamka oo uu Soomaaliya u matalayo C/llaahi
Sheekh Ismaaciil Wasiirka arimaha dibadda dowladda FKMG ah ee Soomaaliya.
Muxudiin Cali Jimcaale Jakuula
Muqdisho
Jakuula@hotmail.com
|