Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Dowlada Ukrain ayaa ka codastay dalalka Faransiiska, Baritan, Mareykanka iyo Nato in ay gacan ka siiyaan in la soo furto markabka iyo shaqaalaha afduubka loogu heysto badaha Soomaaliya gaar ahaan Puntland.

Diblumaadsi sare oo u hadlay wasaaradda arimaha ee wadanka Ukrain ayaa waxa uu sheegay in iminka Ukrain ay gacan kaga baahan tahay dowladaha Engriiska, Faransiiska, Mareykanka iyo bahda Naato in gacan weyn laga siiyo soo furashada markabkan iyo shaqaalihiisa oo 18 kii bishaan October lagu afduubtey xeebaha Somaliya gaar ahaan Puntland.

Diblumaadsigaan ayaa sheegay in wasaarada arimaha dibadda Ukrain iyo shirkada iska leh markabkaan ay wadaan wada xaajoodyo ah in markabkan la soo furto oo shaqaalah reer Ukrain ahna lagu soo celiyo wadankooda.

Wada xaajoodka iminka socda ayaa waxaa caqabad ku ah dagaalo u dhaxeeya kooxo kala duwan oo Soomaaliya isku haya gaar ahaan K/soomaaliya.

Waxa uu yiri iminka ma jiro xafiisyo qunsuliyadeed iyo kuwo diblumaadsiyadeed oo shaqeynaya kana furan Somaliya.

Markabkaan Ukrain oo magaciisa la yiraahdo Bangia ayaa waxaa ka babanayaya calanka wadanka Liberia, waxa uuna waday 22 shaqaale reer Ukrain ah, waxaana laga afduubtey todobaadkani meel 90 mile u jirta degmada Jirifle oo 60 km u jirta degmada Eyl ee gobolka Nuigaal, waxaana afduubtey kooxo burcad badeed Soomaali ah, waxa uuna siday markabkani dhuxul uu ka soo qaaday wadanka K/ afrika uuna u waday wadanka Turkiga.

Kooxahan Burcadka ee qabsaday markabkaan ayaa waxa ay horey u heysteen markab kale oo laga leeyahay wadanka Kenya.

muxyqadiin cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

muqdisho somaliya