Yusuf Indha cadde ayaa
la wareegey amaanka Dekedda Marka
Ciidamada maamulka gobolka Sh/hoose ee ku sugan magaalada Marka kana amar
qaata Gudoomiyaha gobolkaasi Sheekh Yuusuf Indhacade ayaa lagu soo waramayaa
in saakay gabi ahaanba xirteen dekedii magaalada Marka oo lagu dajinayay
Markab Hay'adda WFP u rarnaa oo mucaawino sida.
Wararka laga helayo magaalada Marka ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka
tirsan maamulka gobolka Sh/hoose ayaa la arkay saakay iyagoo isku gadaamay
guud ahaan dekeda magaalada Marka oo Markab u raran hay'adda Care oo
Mucaawino laga dajinayay uu ku xirnaa.
Markabkaasi oo labadii cisho ee ugu dambeysay raashin laga dajinayay ayaa
wararku waxa ay sheegayaan in labadaasi cesho ay iska jirtey dhibaatooyin ay
la kulmayeen shaqaalaha markabkaasi dajinayay oo kaga imaanayay dhinaca
ciidamada maamulka gobolka Sh/hoose.
Arintaan ayaa la sheegay in amarka uu bixiyay taliyaha saldhiga degmada
Marka ninka lagu magacaabo Sanjabiil, inkastoo mar RSTV ay la xiriirtey uu
ka gaabsaday arintaasi in uu wax faahfaagin ka bixiyo, isagoo sheegay in
arintaasi aysan waxnba ka jirin isla markaana ciidamada aysan suurogal ka
aheyn in dekedda ay qabsadaan.
Xabsiga magaalada Marka ayaa waxaa ku xiran Gudoomiyihii Gudiga
doonleeyda ka howlgasha degmada Marka oo lagu magacaabo Ciise Jiniqow,
iyadoo arintaasi ay ka dambeysay sida la sheegay in lagu yiri sidee bay
doomaha u galeen saakay bada isla markaana ay howlo dajin ah uga bilaabeen
Markabka, arintaasi oo uu ka jawaabi waayay darteed xabsiga loogu taxaabay
Gudoomiyihii Gudiga Doonleeyda Jiniqow.
Arintaan oo soo if baxday saakay aroornimadii yaa dad badan oo ku nool
degaankaasi waxa ay is weydiinayaan sababta keeni karta in markab u kireysan
hay'ad in ciidamada maamulka gobolka Sh/hoose ay isku gadaamaan halkii laga
dajinayay, iyadoo aan la sheegin wax canshuur ah oo maamulka uu ka doonayo
maraakiibta ku soo xirata halkaasi.
14 kii sano ee la soo dhaafay ayaa amniga dekedda magaalada Marka waxaa
mas'uul ka ahaa shirkadda iminka dajineysa markabkaan.
Dekedda magaalada Marka ayaa kal hore waxaa lagu afduubtey markab u
kireynaa hay'adda WFP oo lagu magacaabo MV MIltzow oo Mucaawino ku dajinayay
halkaasi, inkastoo wada xaajoodyo lala galay kooxihii heystay lagu sii
daayay markabkaasi oo todobadkii la soo dhaafay gaaray dekedda magaalada
Mombasa ee wadanka Kenya
MUXYADIIN CALI JIMCAALLE JAKUULA
JAKUULA@HOTMAIL.COM
MUQISHO SOMALIYA
|