Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Dowladda Yemen ayaa sheegtay inuu sharci yahay hubka ay siisay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf,

Mas’uul sare oo Yemeni ah oo u waramayay Wargeyska 26-ka September ayaa waxa uu sheegay inaaney waxba ka jirin wararka ay isla dhexmarayaan warbaahinta oo ku aadan in Yemen ay u tahriibisay Soomaaliya hub sharci daro ah , isagoo xaqiijiyay in wararkaasi aanu aheyn mid hubaal ah oo xaqiiqda ku saleysan .

Sarkaalkan Yemeniga ah ayaa xaqiijiyay in Dowladda Yemen ay hub siisay Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed laguna wareejiyay xukuumada Sharciga ah ee Soomaaliya , waxaa uuna xusay in hubkaasi si shakhsiyadeed loo siiyay C/llaahi Yuusuf si uu ugu taageero Booliska Soomaaliya oo howlaha isku dubaridka iyo diyaarintiisa ay socoto .

Xukuumadda Sanca ayaa sheegtay in hubkaasi ay ugu deeqday Dowladda uu hogaamiyo C/llaahi Yuusuf uu yahay mid lagaga qeybqaadano sugida

amaanka ,deganaanshaha ,balaarinta awooda sharciga , dhismaha hey’adaha kala duwan ee dowladda , waxaana Yemen ay ku sheegtay in hubkani loogu talo galay in lagaga hortago in Soomaaliya ay hoy u noqoto unugyo ka tirsan argagaxisada,kuwa mayalka adag iyo kuwa gooni u goosadka oo lagaranaynin cida uu ula jeedo ee u hanjabaya guud ahaan amaanka iyo deganaanshaha Gobolka geeska Afrika .

owladda Yemen ee uu madaxweyne ka yahay Cali C/lla Saalax ayaa tilmaantay in hubka ay soomaaliya u gudbisay uu yahay mid la ogsoon yahay oo ay ka warhayaan dhinacyada arintan xiriirka la leh.

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya