|
WAFDI BALAADHAN OO UU HOGAAMINAYO WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA
; BOOQASHO KU JOOGA
DALKA YAMAN
Wafdi uu hoogaaminayo Ra’isalwasaare kuxigeenka Arimaha Siyaasada ahna
Wasiirka Arimaha Gudaha Eng:Xuseen Maxamed Caydiid ayaa booqasho gaaban ku
tagay dalal kamida dunida Carabta. Wafdigan oo ay ku wahelinayeen Wasiir
Kuxigeenka Wasaarada Amniga qaranka mudane Cabdiirashiid Maxamed Xidig iyo
Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Gan: Ismaaciil Qaasim Naaji.Ayaa
soo gaadhay wadanka Yaman.
Halkaas oo loogu soodhaweeyay si heer sare ah, Wasiirka Arimaha Gudaha
mudane Xuseen Maxamed Faarax Caydiid iyo wafdigiisu waxay la kulmeen
Madaxwayne ku xigeenka wadanka Yaman iyo masuuliyiin sar sare oo katirsan
dawlada dalka Yaman.Talifishinka RSTV oo kula xiriiray qadka taleefoonka
Wasiirka Arimaha Gudaha Xuseen Caydiid ayaa waxa uu u xaqiijiyay in
safarkooda hadafkiisu ahaa sidii shacbiga reer Yaman ugu hanbalyeen
lahaayeen isku darsigoodii iyo in ay masuuliyiinta wadanka u sharxaan
qorshaha ay DFKS dib ugu guurayso dalka Soomaaliya gudihiisa .
waxa kale oo uu wasiirku RSTV u sheegay in hawshoodii guul ugu dhamaatay,
isla markaana ay dawlada Yaman qayb lama huraana ka qaadanayso dib u rarida
DFKS iyo waxkasta oo hirgalinaya badbaadinta iyo soocelita sharafta shacbiga
Soomaaliyeed. Isla markaana waxa uu wasiirku daaha kaqaaday in dawladu did u
noqonayso xiligii uu cayimay Raysalwasaare Geedi oo ku beegan 31 bishan May.
Waxa kale oo uu mudane Caydiid ugu baaqay shacbiga Soomaaliyeed meelkasta
oo ay joogaan in ay qaybtooda ka qaataan hirgalita DFKS si ay u soo ceshtaan
sharaftay ku lahaayeen caalamka. Waxaanu ku nuuxnuuxsaday in dawladan
shacbiga la’aantiis aanay horumar dhab ah gaariri karin. Sidoo kalena aanay
daneen danaha gaarka ah, ee loo midoobo danta guud ee qaranku u baahan yahay
si looga baxo dhibka umada saameeyay 15kii sano ee ina soo dhaafay.
By Abdifataah Maxamed Abdinur
RSTV Minnisota
|