Xuska maalinta caruurta Afrika ee
16-ka June xaflad lagu soo gaba gabeynayo ayaa waxaa lagu qabay Hotel
Saxafi Two ee magaalada Muqdisho…
Xafladan
oo ay soo qaban qaabisay hey’adda UNICEF qeybteeda waxbarashada bartamaha
iyo koonfurta Soomaaliya, ayaa waxaa ka soo qeyb galey mas’uuliyiin ka
tirsan labadda gole ee dowladda, wakiilo ka kala socdey hey’addaha iyo
Dalladaha waxbarashada gobolka Banaadir, ururada bulshada rayidka ah iyo
marti sharaf kale oo lagu casuumey xaflada.
Waxaana
halkaas ka hadlaymasuuliyiin aad u fara badan, intooda badana waxay ay
sheegeen dhibataada haysata xiligan Carruurta Soomaaliyeed, gaar ahaan
kuwa ku jira xeryaha dadka soo bara kacey ee Muqdisho badan kooda ku
yaalaan.
Madaxa
qeybta waxbarashada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ee hey’adda UNICEF
Mrs Maryan Sheekh Xuseen Abkow ayaa sheegtay in waxbarasho la’aan ay
heysato ku dhowaad afartan iyo sagaal kun “49,000” oo Carruur
soomaaliyeed ah oo kuna jiraan xeryaha dadka soo barakacey ee ku dhaqan
magaalada Muqdisho, waxayna sheegtay in loo baahan yahay in loo sameeyo
barnaamij wacyi galin ah oo lagu fududeynayo iney helaan qaabka ugu sahlan
ee wax loo bari karo Carruurtaani iyo in laga saacido dhinacyada
Caafimaadka, Cuntada, Biyaha, Iwm.
Waxaan
Xafladaana ku sugnaa qaar ka mid ah labada gole ee dowlada FS ee kuna
sugan muqdisho, waxaana ka mid ahaa Wasiir ku xigeenka waxbarashada
dowladda federaalka Soomaaliya Mukhtaar Maxamed Yuusuf.
Ugu
dambeyntiina xafladaas ay ku soo gaba gaboobday si heer sare ah.