Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Xuska maalinta 1-da Luulyo oo si weyn loogaga dabaaldegey Muqdisho iyo goobo kale

 xalay waxaa gobollo kala duwan oo wadanka  somalia ka tirsan laga xusay maalinta 1-da Luulyo oo ah markii ay xoroobeen gobollada koofureed ee dalka somalia,isla markaasina ay midoobeen woqooyiga iyo koofurta.

Magaalada Muqdisho waxaa xaflado kala duwan oo isku u jeeddo ah lagu qabtay hoteellada Nabada,Saxafi iyo xaruntii hore ee Xisbiga iyo meelo kale.. Sharif Xasan ayaa xuska maalinta 1-da Luulyo kaga qeyb galey hotelka Nabada iyo xaruntii hore ee Xisbiga halkaasoo ay isu yimaadeen mas'uuliyiinta labada gole ee dawlada iyo saraakiil kale.

Guddoomiyaha baarlamaanka shariif xasan ayaa dadka kala hadlay hoteelka nabadda,oo uu ka sheegay in maanta oo kale ay tahay maalin ku wayn umada soomaaliyeed isla markaana ay tahay in ay u dabaal dagaan

Shariif Xasan gudoomiyaha barlamaanka ayaa hambalyo iyo bogaadin ku aadan waxa uu udiray dhamaan shacabweynaha Somaliyeed mel kasta oo ay joogaan. Ra'iisul wasaare Geeddi iyo xubno dowladdiisa ka tirsan oo iyaguna muaasabad midan  la mid ah kaga qayb galay degmada Jowhar gaar xarunta xiriirka shaqaalaha ee magaalada Jowhar .

Geedi ayaa dadkii kasoo qeyb galey munaasabadaasi oo ay ka mid ahaayeen labada ergey ee Talyaaniga iyo Ingiriiska u qaabilsan Somalia oo sheley galab halkaa soo gaaray waxa uu kaga dhawaajiyey in dawladiisu   ay si rasmi ah uga howl bilowday guud ahaan  somalia,si dadka loo heshiisiiyo,looguna guulaysto in wax walba qaab nabadeed lagu dhammeeyo,isagoo dadka soomaaliyeedna ugu hambalyeeyey maalinta qiimaha badan ee 1-da Luulyo.

Kuma akeyn goobaha looga dabaaldegay maalinta 1-da Luulyo Muqdisho iyo Jowhar balse waxaa jiray magaalooyin dhowr ah oo looga dabaal degey maalinta 1-da Luulyo oo ay ka mid yihiin Boosaaso,Baladweyn,Marka ,Kismaayo  iyo gobolo kale oo dhowr sida Gedo Bay iyo Bakool iyo meelo kale.

Maxamed Cumar Sheekh (Maxamed Cadde)
Rochester Somali Tv Muqdisho

Cadde_8@hotmail.com