Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegatay doorashadii madaxwaynaha soomaaliya oo maanta ku beegan

Maanta ayey ku beegantahay maalintii ay xubnaha barlamaanka federalka ku meel gaarka ah ee soomaaliya ay cod aqlabiyad ah ay ku doorteen madaxweynaha jamhuuriyadda soomaaliya C/lahi Yusuf Ahmed

Habeenimadii lagu dhawaaqay in doorashadii madaxtinimadda ee soomaaliya uu si rasmi ah ugu guulaystay C/lahi Yusuf Ahmed ayaa meelo fara badan oo caalamka ah laga sameeyey banaanbaxyo lagu soo dhaweaynayo doorashadda madaxwaynaha soomaaliya,

Magaaladda nairobi ayaa ahayd halkii ay isla habeenimadaasi ay isugu soo bexeen kunanaan kun oo qof oo qoxooti soomaaliyeed ah oo shan iyo tobankii sanno ee ugu dambaysay qaxootinimo ku jooggay xerooyinka kala gedisan ee dalka kenya kuwaas oo si wayn u soo dhaweeyey doorashadda madaxweynaha soomaaliya oo ummadda soomaaliyeed meel walba oo ay jooggeen ay mashxarad la seexan kari waayeen habeenkaasi

Doorashadda madaxwaynaha soomaaliya kadib waxaa sidoo kale madaxweyne c/lahi Yusuf Ahmed uu magacaabey Ra"isul Wasaare Cali Mahamed Geedi Iyadoo xubnaha barlamaanka ay durbadiiba ka soo horjeesteen magacaabidda Ra"isul wasaare Geedi Hase ahaatee Cali Mahamed Geedi ayaa waxuu soo dhisay gole xukuumadeed Taasi oo la doonayey in ay ansixiyaan xubnaha barlamaanka hase yeeshee xukuumaddii uu soo dhisay Mr Geedi ayaa waxaa cod aqlabiyad ah oo markii dambana keentay gacan ka hadal lagu riday iyadoo aan jirin wax ka yar hal todobaad

Iyadoo hadaba ay doorashadda madaxweynaha ay si wayn xattaa u soo dhaweeyeyyn dhammaan wakiiladda beesha caalamka ayaa haddaba waxaa jirtay caqabado uu madaxweynaha soomaaliya uu shaqadiisa u gudan kari waayey Iyadoo xubnaha barlamaanka ay sheegaan in madaxweynaha uu baal maray axdi qarameedkii markii horre la isla qortay

Tan iyo waxii ka dambaysay doorashadii madaxweynaha soomaaliya waxaa soo xoogaysanayey khilaaf ba"an oo u dhexeeya xubnaha labada gole ee dawladda federalka ku meel gaarka ah ee soomaaliya kuwaasi oo haatan u kala jabay labo garab Hase ahaatee waxaa haatan socota dadaaladii ugu dambeeyey ee lagu doonayo in lagu soo afmeero khilaafka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya xubnaha labadda gole ee dawladda

Ra"isul wasaaraha soomaaliya Cali Mahamed Geedi ayaa shalay Galinkii dambe ku yimid magaaladda nairobi booqasho aan rasmi ahayd taasi oo lagu macneeyey u jeedada safarkiisa in la kulan siiyo isaga iyo guddoomiyaha barlamaanka oo saacadaha soo socdo la filayo in uu soo caga dhigto magaaladda nairobi,Iyadoo ay dadaaladaasina u wado ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramadda midoobey ee arrimaha soomaaliya Mr Francis Fall iyo qaar ka mid ah wadamadda gobolka

Sikastaba ha ahaatee waxaa ilaa iyo shalay ku sii qulqulayey magaaladda jowhar ee gobolka shabeelaha dhexe,Wasiiro ka tirsan xukuumadada ku meel gaarka ah Duplamaasiyiin iyo dadwayne kale kuwaasi oo doonaya in ay ka qaybgalaan munaasabadda loo samaynayo sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegatay doorashaddii madaxweynaha soomaaliya C/lahi Yusuf Ahmed

Madaxweynaha somaliya ayaa lagu eedeeyaa in uu doonayo in uu dalka soomaaliya keenno ciidamo Itoobiyaan ah si ay gacan ugu siiyaan xasilinta dalka xili uu barlamaanka federaalka cod buuxda uu ku diiday in soomaaliya la keenno ciidamadda safka horre,balse madaxweynaha ayaan dhag jalaq u siinin diidmadda barlamaanka federalka ku meel gaarka ah ee soomaaliya

Waxaanna iminka sii yaraanayso rajadii ay ummadda soomaaliyeed ka qabtay 14 shir kadib in dawladdan ku meel gaarka ah ay wax mug leh ay u qaban doonto dawlad la"aanta ka jirtay soomaaliya shan iyo tobankii sanno ee ugu dambeeyey

Mursal Quulle RSTV

Nairobi