|
Munaasabad lagu xusayo sanad guuradii 1aad ee ka soo wareegtay markii loo
doortay Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo caleemasaarkiisii ayaa maanta lagu
qabtay xarunta Villa Somaliya ee magaalada Muqdisho.
 
Munaasabadan oo ay ka soo qeybgaleen Ra’isulwasaare K/xigeenka ahna
wasiirka arimaha gudaha, Gudoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada
Muqdisho, Gudoomiye K/xigeenka gobolka Banadir dhinaca arimaha siyaasadda,
Saraakiil Dadweyne kale ayaa waxaa ka hadlay Eng.Xuseen Max’ed Ceydiid oo
sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ixtiraamaan mas’uuliyiinta dalkooda ugu
sareysa, isla markaana ay qaataan awaamiirta madaxweynaha iyo
Ra’isulwasaaraha, isagoo xusay in maalin taariiqi ah ay tahay markii loo
dhaariyay Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed oo maanta ay ku began tahay.
 
Xuseen Max’ed Ceydiid waxa uu farta ku fiiqay in shacabka Soomaaliyeed ay
heleen dowlad si cadaalada ah lagu soo doortay madaxweynaheeda taasoo howlo
badan ka qabatay dalka mudada sanadka ah..
 
Xuseen Ceydiid Waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed Meel kasta oo ay
joogaan in ay is cafiyaan isla markaana ay u guntadaan sidii ay u taageeri
lahaayeen dowladda FS oo balan qaaday sida uu sheegay in cadaalad iyo sinaan
ay ugu adeegeyso dadka Soomaaliyeed.
 
Sidoo kale munaasabadda maanta waxaa ka hadlay Gudoomiye gobolka Banadir
ahna duqa magaalada Muqdisho Max’ud Xasan Cali Cadde Gaabow oo sheegay in uu
ku faraxsan yahay munaasabadaan isla markana tilmaamay in au ka go’an tahay
maamulka gobolka Banadir uu si toos ah ula shaqeynayo dowladda FS.

Munaasabadaasi ayaa mas’uuliyiintii ka soo qeybgashay waxa ay sheegeen in
ay taageersan yihiin dowladda FS isla markaana ay ka go’an tahay in ay la
shaqeeyaan, iyagoo dowladda ka codsaday in shacabka Soomaaliyeed ay ugu
adeegto si cadaalad ah isla markaana ay buuxiso soo celinta amaanka iyo kala
dambeynta
muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya
|