Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Xaflad loogu dabaaldegayay sanad guuradii 1aad ee ka soo wareegtay doorashada Madaxweyne Yuusuf oo muqdisho ka dhacday

Waxaa maanta hotelka Ramadaan ee magaalada Muqdisho ka dhacday xaflad aad u balaaran oo ay ka soo qeyb galeeb qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir, taasoo lagu agaasimayay sanad guuradii 1aad ee ka soo wareegtay markii xilka madaxweynenimo loo doortay madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmad.

 DHAALEY.JPG

Xafladdan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiyayaasha 16ka degmo ee uu ka kooban yahay gobolka Banaadir iyo cutubyo ka tiran Ciidanka Dowladda hoose ee gobolka Banaadir, waxaana la saaray calanka saaray , iyadoo halkaasi ay sidoo kale ku sugnaayeen qaar ka mida kooxda Bambayda Soomaaliyeed.

 DHAALAY3.JPG

 

Dadkii ka hadlay xafladdan ayaa waxaa ay sheegeen sidii loogu baahnaa doorashada Madaxweynaha oo ay sheegeen inay aheyd mid Soomaaliya ay si weyn ugu baahneyd, waxaana ay sheegeen in madaxweyne Yuusuf uu yahay nin u qalma xilka loo doortay isla markaasina ka bixi kara waajibaadkii Qaran ee loo doortay.

   DHAALAY2.JPG

Bulshadii kulankaasi ka soo qeyb gashay oo wejiyadooda ay faraxadi hareysay ayaa waxaa ay wadajir ahaan isugu raaceen in dowladdu ay sanadkii la soo dhaafay qabatay wayaabo la taaban karo oo ay ugu horeyso ayay yiraahdeen arimaha dib u heshiisiinta iyo Xareynta ciidamada qaranka, waxaana ay tibaaxeen inay tahay tilaabo horay loo qaaday, isla markasina waxaa ay ku booriyeen shacabka magaalada muqdisho inay taageeraan Barnaamijka dowladdu ay ku dooneyso nabadeynta Soomaaliya gaar ahaan gobolka Banaadir.

DHAALAY5.JPG

Gudoomiyaha gobolka banaadir isla markaasina ah duqa magaalada muqdisho Maxamuud Xasan Cali Cadde (Gaaboow) oo madashii xafladdan ka hadlay ayaa sheegay in ragga ku sugan magaalada muqdisho ee ka mid ah dowladda federaalka Soomaaliya ay burburinayaan dhamaan dowladda isagoo sheegay inaysan diyaar u aheyn geedi socodka nabadda soomaaliya,waxaana uu sheegay inay ahaayeen hogaamiye kooxeedyadii baabi`yay dowladii hore ee soomaaliya oo uu hogaaminayay jneraal maxamad siyaad barre, waxaana uu sidoo kale tilmaamay inay haatana markale diyaar u yihin burburinta dowladda curdanka ah ee soomaaliya u dhalatay.

Mr Cadde ayaa sheegay in taariiqdu ay tahay wax aan la dafiri karin isagoo tusaale u soon qaatay 13kii dhalinyaro ee SYL oo uu sheegay inay ahaayeen dad ay ka muuqatay wadaninimo isla markaasina loo baahan yahay in la raaco tubtii ay soomaalida u jeexeen, kuwa nabadda diidan taariiqda ayaa qoreysa ayuu sheegay Gudoomiyaha gobolka Banaadir

muxyadiin cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

muqdisho somaliya