Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Xuseen Caydiid oo bari kusoo fool leh Muqdisho

Wasiirka arimaha gudaha dawlada FKMG ahna Ra’isulwasaare ku xigeenka ayaa maanta daboolka ka qaaday in maalinta bari ah uu imanayo magaalada Muqdusho .Wasiirka ayaa maanta xaqiijyey in xubno ballaaran uu horkacayo oo ay ka mid yihiin ra’isulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka  maaliyada Ibrahim Caliyow Ibrow ay maalinta bari ah kusoo fool leeyihiin caasimada Somalia ee Muqdisho.

 Caydiid oo ka mid ah xubnaha dawlada ee ku fakirka ah madaxweynaha iyo ra’isulwasaaraha horeyna u sheegay in Muqdisho aaney nabad aheyn ayaan la garaneyn imaanshiyahooda waxa uu ku saleysanyahay .Xuseen Caydiid oo iminka ku sugan Nairobi ayaa waxa uu horey kaga qeyb magaalada Tiriboli ee caasimada Liibiya kulankii wasiirada arimaha gudaha midowga Africa  ee looga hadlayey mideynta Baasaboorada wadamada Afrika si loo fududeeyo isku socodka dadka ee wadamada midowga Africa.

 Xubnaha dawlada ayaa inta badan waxa ay dib ugu soo laabteen gudaha wadanka Somalia ayadoo tiro aan buurneyn iminka ay Nairobi ku sugan yihiin ,waxaana la filayaa maalmaha soo socda in ay dalka dib ugu soo laabtaan

 

Maxamed Cumar Sheekh (Maxamed Cadde)
Rochester Somali Tv  Muqdisho

Cadde_8@hotmail.com