Xuseen caydiid oo maanta kusoo laaabtay magaalada Muqdisho.
Wasiirka arimaha gudaha dawlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ahna
ra'isulwasaare ku xigeenka Xuseen Caydiid ayaaa maanta kasoo dagay
garoonka dayaaradaha ee nambar konton .
wasiirka arimaha gudaha oo ka maqnaa magaalada muddo sedexsano ah ayaa
waxaa magaalada ku soo dhaweeyey taageerayaashiisa iyo mas'uuliyiin ka
kala socotay xubnaha labada gole ee magaalada iyo Muqdisho iyo
siyaasiyiin kale.
wasiirka ayaa loosoo gelbiyay xaruntii hore ee filla soomaaliya
halkaasoo ay k u sugaayeen boqolaal ka tirsan dadweynaha ku dhaqan
magaalada muqdisho haba u badnaadaane taageerayaasha isbahaysiga SNA oo
uu madaxda ka yahay .
xubnihii maanya ka qeyb gashay soo dhaweyntiisa waxaa ka mid ahayd
wasiirka ganacsiga dawlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya muuse suudi
yalaxow iyo wasiir ku xigeenka degedaha.xueseen caydiid ayaa markii uu
soo gaaray filla Soomaaliya waxa uu hadal gaaban u jeediyey dadkii
halkaa ku soo dhaweeyay asagoo uga mahad celiyey sida ballaaran ay usoo
dhaweeyeen.
caydiid ayaa sheegay in uu yahay ku simaha madaxweynaha ee magaalada
Muqdisho wuxuuna tilmaamay inuu sii wadi doono howlihii madaxweynaha ee
magaalada Muqdisho tan iyo inta laga
nabadeynayo magaalada.
waxaana maanta magaalada laga dareemay isbadel weyn ka dib imaanshihiisa
ayadoo isbaaradii tiilay wadadii Adan cadde maanta la qaaday gawaaridana
ay si caadi ah u adeegsanaayeen waddadaasi ka dib markii ay xirneyd
maalmo fara badan.
Maxamed Cumar Sheeq.
Rochester Somali TV ,Muqdisho.