Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

Xubno ka tirsan dowladda federaalaka ku meel gaarka ah ee Somaaliya oo  soo gaaray magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaanyo

 13 xubnood oo isugu jira wasiirku xigeenno iyo xildhibaano ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ayagoo ka soo ambabaxay m agaalada Nairobi..Xubnahan ayaa waxaa horkacayey  wasiir ku xigeenka xannaanada xoolaha Cabdi Axmed Dhuxulow,waxaan garoonka  diyaaradaha magaalada Kismanyo kusoo dhaweeyay masuuliyiin uu ka mid ahaa wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta Bare Aadan Shire (hiiraale),masuliyiin iyo dadweyne aad ufara badan..

 7 ka mid ah xubnahaasi  waxa ay  usoo gudbeen magaalada Muqdisho  waxaana ka mid ahaa xubnii maanta soo gaaray Muqdsho xillibaan C/risaaq Isaaq Biixi,kuwaasoo durbadiiba la dejiyay hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho..

Masuuliyiintan maanta soo gaaray magaaalooyinka Muqdisho iyo Kismaanyo ayaa ujeedka  imanshahooda waxaa lagu sheegay  u diyaar garowga kulan guddoomiyaha baarlamanka Sharif Xasan Sheekh Aadan  isugu yeeray xubnaha baarlamanka kulankaasoo dhici doona 25-ka bishan

 Xildhibaan Cabdi Cabdule (Jinniboqor)oo ka mida xubnihii  maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu aad ugu kalsoonyahay in 25-ka bishan marka la gaaro la heli doono tirade xillibaanada sharcigu qabo in kulanku ku furmo ama kooramka uu buuxsamo


Maxamed Cadde

Muqdisho