|
Xildhibaano ka soo hor jeestay kuwa muqdisho oo jowhar gaaray.
Magaalada Jowhar oo xarun kmg u ah Dowladda Soomaaliya
Xildhibaanada shalay soo gaaray Magaalada Jowhar ayaa waxaa hogaaminayay Ing.
Xuseen Caraale.
Xildhibaanada soo gaaray Magaalada Jowhar ayaa waxaa si
diiran u soo dhoweeyay Xubnaha Labada Gole ee ku sugan Jowhar.
Xildhibaanadan ayaa noqday kuwii ugu horeeyay ee kasoo
Go’ay Qaybta Muqdisho oo iyagu xaga fikirka isku mid ka ahaa,Xildhaabanada
Jowhar yimid ayaa la ogeyn inta ay gaaraya wallow la shaaciyay Xildhibaanada
maalmaha soo socda Jowhar imaan doona in ay Gaarayaan 36 xildhibaan oo la
sheegay in ay imaanayaan Gobolada Dalka iyo Dibadaba.
Xubnaha ee iyagu xaga fikirka ah ku kala tagsan ayaa la
sheegay in qaarkood ay daneynayaan in ay khilaafka xaliyaan,isla markaan ay
bilaabaan in wada hadal fool ka fool isugu keenaan Xubnaha Sar Sare ee
Dowladda.
Magaalada Nairobi ayaa waxaa ka socda dadaalo la doonayo
in la isugu soo fariisiyo Xubnaha Dowladda,kuwaasoo ay wadaan Xubno ay ka
mid yihiin Mr Xaaf iyo Xildhibaano Kale.
Jakula, Muqdisho
|