Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Xubnaha muqdisho ku sugan oo maanta kulan ay albaabadu u xiranyihiin  ku yeeshay xarunta Xisbiga.

Kulan albaabadu ay u xiranyihiin ayaa maanta waxa uu ku dhexmaray xarunta Xisbiga ee magaalada Muqdisho xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan .Kulankan oo lagu tilmaamay mid xasaasi uuna shir gudoominayay gudoomiyaha barlamaanka Sharif Xasan Sheekh Aadan  ayaa waxaa looga wada hadlay afar qodob oo waaweyn oo kala ahaa :qaadista isbaarooyinka ,dilkii lala beegsaday C/qadir Yaxye oo ahaa agaasimhii hore ee hay’ada cilmibaarista iyo wadatashiga CRD iyo tiliyihii ciidamada maxkamada islaamiga Ifka xalan Xirsi Cabdi Cilmi Xirsi Lugay,qaadista la filayo xayiraada hubka ee Somalia  iyo ciidamada Itoobiyaanka ah ee Bakol ku sugan .

C/karim Axmed Cali oo saxaafada la hadleyey markii uu soo gabagaboobay kulankaasi ayaa sheegay in kulankoodii maanta oo ay kasoo qeybgalay xubno illaa 30 gaaray oo ka yar intii horey loo filayay ay kagawada hadleen xayiraada hubka ee Somalia iyo qodobo kale.Xubnaha labada gole ayaa ka dalbaday qaramada midoobay in ay sii adkeyso cunaqabataynta hubka ee saran Somalia oo aan  laga qaadin ,sidoo kale xubnahan maanta ayaa cambaareyn dusha kaga tuuray ciidamada Itoobiyaanka ah ee Bakol ku sugan ayagoo sheegay in ay yihiin kuwo colaad hor leh abuuraya.

sidoo kale xubnihii maanta ku shiray Xisbiga ayaa tacsi u diray eheladii ay ka kala geeriyooodeen C/qadir Yaxye Cali agaasimahii CRD-da iyo Xirsi Lugay taliyihii ciidamada maxkamada Ifka xalan.Xubnaha labada gole ayaa maanta sidoo kale dalbaday in la qaado  dhamaan isbaarooyinka yaalla gudaha iyo dibada magaalada Muqdisho  ugu danbeyn maalinta talaadada ee socota.

 Kulankii maanta dhexmaray xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan ayaa la sheegayaa in ay ka maqnaayeen inta badan xubnaha wasiirada ah ee Muqdisho ku hubeysan  marka laga reebo wasiirka ganacsiga  Muuse Suudi Yalaxow.

Wasiiradii ka maqnaa kulankii maanta waxaa ka mid ahaa wasiirka amniga qaranka Maxamed Qanyare Afrax ,wasiirka howlaha guud iyo guryeynta Cisman Xasan Cali Caato ,wasiiru dawlaha degaha Maxamed  Jaamac Furux iyo xubno kale.
 
Maxamed Cumar Sheekh
Rochester Somali Tv Muqdisho