|
Xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan
ayaa maanta kulan ku yeeshay saxafi.
xubnaha labada gole ee dawlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ee ku sugan
magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan ay alaabadu u xiran yihiin ku yeeshay
hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho .kulankan oo ka maqnaayeen xubno
dhowr ah waxaa shir gudoominayay gudoomiyaha barlamaanka Shariif xasan
Sheekh Aadan .
xubnihii maanta ka maqnaa kulanka xubnnaha labada gole waxaa ka mid ahaa
wasiirka howlaha guud iyo guryeynta Cisman xasan cali caato ,wasiirka
ganacsiga Muuse suudi yalaxow iyo wasiirka amniga qaranka maxamed qanyare
afrax.
kalankan ayaa waxaa looga wada hadleyey sida wararku ay tilmaamayaan sidii
loo soo dhaweyn lahaa xubno ka socda qaramada midoobay oo maalinta
isniinta ah la filayo in ay yimaadaan magaalada muqdisho iyo qodobo ka
kooban afar qodob oo ay soo bandhigeen guddiga qaramada midoobay ay u
xilsaartay nabadeynta xubnaha labada gole .
qodobada ay soo bandhigeen guddigan nabadaynta ayaa waxaa ka mid ah :halka
ay dawlada sal dhiganayso ,amaanka magaalada Xamar iyo dhismaha hay'adaha
dawklada.xubnihii maanta ka qeyb galay kulankan ayaa isku raacay qodobo
dhowr ah in ay hor dhigaan guddiga qaramada midoobay ka socda ee maalinta
isniinta la filayo in muqdisho ay yimaadaan.
si kastaba ha ahaatee kulamadan ay yeelanayaan xubnaha labada gole ayaa ku
salaysan in wax la isku raacsan yahay la hor dhigo guddiga caalamiga ah ee
nabadaynta wada.
Maxamed Cumar Sheeq.
Rochester Somali Tv ,Muqdisho .
|