|
Xubnaha labada gole oo ugu baaqay ururka midowga afrika inuu
arimha Somalia faraha kala baxo.
Kulan maanta ay yeesheen xubnaha labada gole ee magaalada Muqdisho ku
sugan kana dhacay hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay baaq
ugu direen ururka midowga afrika oo ay sheegeen inuusan dhex dhexaad ka
ahayn waxa ka dhex socda labada garab ee dowlada ee kala xarumaystay
magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho.
Kulankan ka dhacay hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir
gudoominayay ku simaha gudoomiyaha labaad ee golaha barlamanka Somalia
Cumar Xaashi Aadan,waxaana ka qeyb galay dhamaan xildhibaanada iyo
wasiirada fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho marka laga reebo wasiirada
howlaha guud iyo guryeynta ,arimaha gudaha iyo amniga qaranka.
Kulankan ayaa ahaa kulamadii caadiga ahaa ee xubnaha labada gole ee
Muqdisho ay yeelan jireen sabti kasta kagana hadli jireen arimaha markaa
uu wadanka ku sugan yahay laakiin kulankii maanta ayaa kaa waxa uu kaga
duwanaa arinta looga doodayay oo ahayd mid aad xassaasi u ah oo taabanaysa
urur soomaalida si weyn uga soo gacan siiyey soo dhisashada dowlad KMG ah
.
Xubnihii ka qeyb galay kulankan oo gaarayay tiro ahaan 71 xildhibaan iyo
wasiiro isugu jira ayaa waxa ay si weyn uga doodeen waxa ay ka yeelayaan
arintan uu midowga afrika ku dhaqaaqay .
Xubnihii kulanka yeeshay ayaa isku raacay in ay baaq u diraan marka hore
ururka si lo arko tallaabada uu ururku qaado ama uu ka bixiyo baaqooda.
wasiiru dowlaha xafiiska ra'isulwasaaraha oo gabagabadii kulankaasi hadal
gaaban siiyey Rochester Somali TV ayaa sheegay in kulankooda maanta ay
kasoo saareen baaq ah in midowga afrika uu faraha kala baxo arinta wadanka
Somalia maadaamad aanu awoodin inuu dhex dhexaad ka noqdo oo uu u wada
sinaado garabyada dowlada KMG ahi ay u qeybsantay.
C/qadir Dhaqane o ah wasiiru dowlaha xafiisk ra'isulwasaaraha ayaa sheegay
in midowga afrika uu qaaday tallaabo xubnaha labada gole aanay ka filaynin.
Wasiirka amniga qaranka oo maanta dib ugu
soo laabtay magaalada Muqdisho.
Wasiirka amniga qaranka Maxamed Qanyare afrax oo todobaadyadii lasoo
dhaafay ku sugnaa magaalada nairobi ee wadanka Kenya ayaa maanta dib ugu
soo laabtay magaalada Muqdisho ee xarunta wadanka Somalia .
Qanyare ayaa dayaaradii siday waxa ay kasoo dagtay garoonka dayaaradaha
demada Dayniile ee magaalada Muqdisho halkaasii xarun u ah wasiirka amniga
qaranka .
Wasiirka ayaa waxa socdaalkiisa ku wehliyay wafdi ka tirsan xubnaha labada
gole ee magaalada Muqdishgo ku sugan o markii hore ay iskala ambabaxeen
magaalada.
Wasiirka amniga qaranka ayaa diiday in uu saxaafada la hadlo isagoo
sheegay in haatan aanu hadlin laakiin uuu waqtiyada soo socda shir
jaraa'id ku qaban doono xaruntiisa magaalada Muqdisho .
Maxamed qanyare ayaa todobaadyo waxa uu socdaal ku joogay magaalada
nairobi ee wdanka kenya halkaasoo ay isku soo arkeen gudoomiyaha
barlamanka Somalia Shariif xasan Shekh Aadan iyo raisulwasaaraha xukuumada
federaalka KMG ah ee Somalia Cali Maxamed Geedi.
Maxamed qanyare ayaa la filayaa marka uu saxaafada hadalka siinayo inuu k
hadlo arinta ku saabsan ciidamada Puntland ee todobaadkii lasoo dhaafay
soo gaaray magaalada Jowhar iyagoo ka yimid magaalada Mustaxiil ee wdanka
Ithiopia.
Wasiirka amniga qaranka ayaa intii ku sugnaa waxa ay wadahadalo qarsoodi
ahi dhex mareen ra'isulwasaaraha xukuumada KMG ah ee Somalia oo uu ka
dhexeeyo khilaaf xoogan.
Maxamed Cumar Sheekh.
Rochester Somali Tv ,Muqdisho.
|