|
Xubnaha labada gole muqdisho oo kulan xasaasi leh
Kulan xasaasi ah ayaa maanta lagu wadaa inay yeeshaan
xubnaha Labada Gole ee ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka
Soomaaliya,iyadoo kulankan ka dhici doono Hotelka Saxafi ee Magaalada
Muqdisho, halkaas oo ay deganyihiin
Inta badan kulankan waxaa looga doodayaa xaalada Soomaaliya
gaar ahaan ciidamada dhawaan la keenay magaalada Jowhar kuwaas oo shalay
tababar loo furay, sidoo kale waxaa looga hadlayaa kulankan warbixin ay soo
gudbiyeen Muuse Suudi Wasiirka Ganacsiga iyo Guddi uu madax u ahaa, kuwaas
oo sida la sheegay soo diyaariyeen qaab dhismeedka Maamul uu yeesho Gobolka
Banaadir.
Xubnaha Labada Gole ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa
waxay ku howlan yihiin dhismaha Maamul Goboleed uu yeesho Gobolka Banaadir,
xilli Banaadir uu leeyahay Maamul uu soo magacabay Ra’iisal Wasaaraha
Soomaaliya Cali Maxamed GeedI.
Muxyadiin Cali jimcaalle jaluula
Muqdisho Somaliya
|