Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   
Xubnaha labada gole ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqey  ururka midowga Afrika inay faraha kala baxaan heshiisiinta DFGS.

Kadib Kulan maanta Hotel Saxafi ay ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku sugan magaalada Muqdisho gabi ahaana inta badan ay ka soo qeybgaleen wasiirada magaalada Muqdisho ku hubeysan ayaa waxa ay kaga hadleen arimo dhowr ah oo la xiriira xaaladda nabadgalyo ee Soomaaliya oo maalmihii la soo dhaafay gobolada Sh/dhexe Hiiraan iyo Bakool ay ka jireen maleeshiyooyin lagu uruurinayo.

Kulankaan ayaa waxaa gabaga badiisa saxaafadda la hadlay wasiiru dowlaha xafiiska Ra'isulwasaaraha dowladda FS Md, C/qaadir Dhaqane, isagoo sheegay in kulankaasi arimaha looga hadlay ay ahaa yeen in midowga Africa ay faraha kala baxaan arimaha somaliya .

Waxa uu sheegay in ay cambaareyn u jeediyeen xafiiska midowga Africa uu ka furtey magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe taasi oo ay xubnaha labada gole ee dowladda FS ee Muqdisho ay ku sheegeen mid sii kala fogeyneysa dowladda FS islaKulanka xubnaha labada gole ay Muqdisho ku yeesheen ayaa

waxaana ka maqnaa wasiirka howlaha guud iyo guryeynta Cismaan xasan Cali Caato iyo wasiirka amniga Maxamed Qanyare Afrax oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo kulanka maanta uu daba joogay warsaxaafadeed kal hore ka soo saareen ay ku cambaareeyeen ciidamo ay sheegeen in madaxweyne C/laahi Yuusuf uu la yimid magaalada Jowhar kuwaasi oo ay ku tilmaameen maleeshiyooyin qabiil

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula
Muqdisho Somaliya