|
Xubnaha labada Gole oo Maanta ka hadlay Qodobo badan,
Kal fadhi ay yeesheen Xubnaha labada Gole ee ku magaalada muqdisho oo ka
dhacay Hoteel Saxafi ee magaalada Muqdisho ayaa ay uga hadleen qodobo ay ka
mid yihiin Dib u heshiisiinta labad Gole ee Muqdisho iyo Jowhar waxa laga
yeelaayo Ciidamo Etoobyaan ah oo ay sheegeen inay howlgalo kawdaan Qaybo
kamida Gobolka Hiiraan,
Kulankaan oo uu shirgudoominayay Gudoomiyaha Baarlamanka FS Shariif Xasan
Sheekh Aadan isla markaana albaabada ay u xirnaayeen ayaa waxaa gabagabadii
saxaafadda uga warbixiyay waxyaabihii kulankaasi looga hadlay Wasiiru
dowlaha xafiiska Ra'isulwasaaraha Cabdulqaadir Xaaji Max'uud Dhaqane oo
sheegay in shirkaasi looga hadlay qodobo dhowr ah
Waxaana kamida ayuu yiri wasiira dowlaha DFS dib u heshiisiinta ee
talaadadii la soo dhaafay ay ansixiyeen xubnaha DFS Muqdisho oo aheyd in
wada hadal gudaha ah ay la galaan garabka Jowhar ee dowladda FS, waxa uuna
sheegay in ay ka war sugayaan xubnaha Jowhar ee dowladda FS, oo iyagu ku
baaqay in ay sugayaan Ra'isulwasaaraha dowladda FS ka dibma warcad ay ka soo
saarayaan arintaasi.
Waxaa kale oo uu sheegay in kulankaasi looga hadlay ciidamo Ethiopian ah
oo uu sheegay in xad gudubyo ka geeysteen tuulada Bacaad oo 25 km u jirta
magaalada B/weyne, taasi oo uu sheegay in dad Soomaaliyeed ay ka qafaasheen
halkaasi, iisagoo sheegay in arintaasi ay tahay tacadi lagula kacayo umada
Soomaaliyeed.
Xubnaha labada gole ee dowladda FS ayaa sidoo kale waxa ay ka hadleen
arin ay dhowaan soo bandhigeen xildhibaano ka tirsan BFS oo aheyd in
Ra'isulwasaare Geedi oo sheegay in dowladiisu ay aqoonsi siineyso Somaliland
hadii caalamka ay ka hesho aqoonsi buuxda oo ay ku tilmaameen in ay tahay
arin sharci darro ah isla markaana Ra'isulwasaaruhu aanu dhiibi karin
aqoonsi, waxaana ay sheegeen in ay u xilsaareen arintaasi gudi ka kooban 5
xubnood oo ka soo baaraandaga arimaha uu ku dhawaaqay Ra'isulwasaaraha,
iyadoo gudigaasi uu war ka soo saaro doono amuurtaasi maalmaha soo socda
Wasiiru dowlaha xafiiska Ra'isulwasaaraha Cabdulqaadir Dhaqane waxaa kale
uu sheegay in kulankooda ay uga hadleen arinta maamul u sameynta gobolka
Banadir oo uu sheegay in golayaashii dhowaan loo sameeyay maamulka gobolka
Banadir ay beeluhu ilaa iyo iminka ay soo gudbiyeen ilaa 33 xubnood isla
markaana la soo dhameystiri doono maalinta talaadada ee soo socota.
Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|