|
Xubnaha labada gole ee dowladda FS Jowhar ayaa waxa ay sheegeen in aysan
aqbaleyn qoraal la'aan tanaasulka ay sameyeen xubnaha labada gole ee
Muqdisho.
Kulan ay maanta isugu yimaadeen magalaada Jowhar xubnaha labada gole ee
halkaasi ku sugan ayaa waxaa ay kaga hadleen war dhowaan ay soo saareen
xubnaha ku sugan Muqdisho oo ahaa in ay ka tanasuleen mowqifkoodii.
Wasiiru dowlaha W/warfaafinta dowladda FS Ibraahim max'ed Deeq oo
kulankaasi ka dib saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay in aysan jirin
wax cadeynaya xubnaha Muqdisho in ay ka tanasauleen mowqifkoodii ahaa in la
qabto shir dib u heshiisiin oo beesha caalamka ay goobjoog tahay isla
markaana ay ka maqleen hadaladaasi saxaafadda.
Waxa uu sheegay in ay ka doonayaan xubnaha Muqdisho in qoraal ahaan ay ku
soo gudbiyaan tanasulkooda si ay u noqoto arin meel marta, waxa uuna sheegay
in kulankoodii maanta ay go'aamiyeen in inta ay ka helayaan qoraal rasmi ah
aysan jawaab ka bixin doonin hadalkaasi ka soo yeeray Xubnaha Muqdisho ee
dowladda FS.
Xubnaha dowladda FS ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa labio maalin ka
hor war ay saxaafadda siiyeen waxa ay ku sheegeen in ay ka tanasuleen
go'aankoodii, inkastoo kulankaasi ay ka soo saareen go'aankaasi ay ka
maqnaayeen wasiiro ka tirsan dowladda FS
Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|