|
Golayaasha Jowhar oo ay isla ogolaaday Goobta Wadahadalada dib u
heshiisiinta
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ayaa waxa ay
sheegayaan in Golayaasha Dowladda ee Jowhar ay maanta kulan isugu yimaadeen
halkaasi ay isku waafaqeen halka lagu qabanayo Kulamada wadaxaajoodka labada
Gole ee Dowladda ee khilaafka uu u dhaxeeyo.
Arintan soobaxday markii maanta Magaalada Jowhar xubnaha labada gole
dowladda federaalka ee ku sugan halkaasi ay cod ugu qaadayeen ajendihii dib
u heshiisiinta ahaa ee lagu wadahadal-siinayey labada dhinac Muqdisho iyo
Jowhar ee Golayaasha.
Ilo Wareed ayaa waxa ay sheegeen in ay isku raaceen In Magaalada Kismaayo
ay marti geliso Wajiga Koowaad , iyadoo wajiga Labaad uu ka dhacayo sida la
shaaciyay Magaalada Jowhar.
Wasiiru dowladaha warfaafinta Ibraahim Max’ed Deeq oo saxaafadda la
hadlayey ayaa sheegay in xubnaha Jowhar ay u codeeyeen in wejiga 1-aad ee
wadahadalada ay yeelanayaan xubnaha ku sugan Muqdisho iyo Jowhar in lagu
qabto Kismaayo, wejiga 2-aad na lagu soo geba-gebeeyo Jowhar.
“Waxaa la isku raacay cidda wada-hadleysa in ay noqdaan 32 xildhibaan oo
labada dhinac ka kala socda, arrimaha laga wadahadlayo waxaa ka mid ah sida
uu u qabsoomi karo kulanka guud oo ay isugu yimaadaan golaha baarlamaanka,
laguna abuuro jawi wadahadal iyo is-aaminaad, waxaa kaloo ay isku raaceen
xubnaha labada gole fadhigoodii maanta in wejiga hore ee kulanka uu ka dhaco
magaalada Kismaayo 10-ka December ilaa 17-ka, wejiga labaad na wuxuu
furmayaa 25-ka December” ayuu yiri Wasiiru dowlaha warfaafinta Ibraahim
Max’ed-deeq.
Dhinaca kale Golayaasha Muqdisho ayaa iyana Maanta dib u dhigay kulan ay
lahaayeen iyagoo sugayay jawaabta maanta ka soo baxday dhigooda Jowhar ,
waxaana la filayaa in kulan degdeg ah ay isugu imaan doonaan sadaxda cisho
ee nagu soo aadan.
Muxyidiin Cali Jimcaale (Jakuula)
jakuula@hotmail.com
Muqdishu, Soomaaliya
|