| |
Canbaaray ay maanta u soo jeediyeen Xubnaha lada Gole Muqdisho Dowladda
Talyaaniga,
kulankii maanata oo ay isugu yimaadeen xubnaha labada gole ee kusugan
magaalada Muqdisho,oo ka dhacay hotel Saxafi ayaa waxaa laga soo saaray
go'aano ay kamid ahaayeen in la canbaareeyo heshiisyadii ay golayaasha
jowhar la gaareen dowldaha Itoobiya,Kenya,Italy iyo midowga Europe.
kulanka oo uu shir guddoominaye xildhibaan Cabdi Cabdulle Jinniboqor ka dib
markuu xanuunsaday xanuunsaday afhayeenka labada gole ee Muqdisho,xildhibaan
Cumar Xaashi Adan,ayaa waxa ay golayaashu soo saareen qoraal dheer oo ay ku
faahfaahiyeen kulankoodi maanta.
waxaa ay canbaareeyeen hadalkii uu wakiilka talyaaniga ka sheegay kulankii
dhawaan ka dhacay magaalada Jowhar,ee ahaa in dibuheshiisiin ay
dhamaatay,iyo sidoo kale kaalmadii ay dowladda Talyaaniga u fidisay qeebta
kusugan magaalada Jowhar oo aheyd matoorro,computerro iyo teendhooyin.
waxaa sidasi darteed ay golayaashu sheegeen in wakiilkaasi uusan dhexdhexaad
ka aheyn dowladda FKMG ee Somaliya,waxaa sidoo kale lagu amaanay falkii ay
dowladda Imaaradka ku joojisay lacag la doonayey in dalka laga soo galiyo
mgaalada Dubai ee dalka UAE.
sidoo kale waxaay canbaareeyeen hadalkii R/wasaare Geedi uu ku sheegay in uu
aqoonsi siinayao Somaliland haddii ay aqoonsi ka hesho adduun weynaha.
Muxyadiin Cali jimacaalle jakuula
jakuula@hotmil.com
Muqdisho Somaliya
|
|