| Xubnaha
labada gole Muqdisho oo sheegay inay san lakulmeeyni R/Geedi Xubnaha
Wasiirada Garabka Muqdisho ee dowladda FS kulan ay maanta ku yeesheen Hotel
Saxafi ee magaalada Muqdisho ayay ka soo saareen qodobo ay ka mid yihiin in
aaney wax kulan ah la yeelan doonin Ra'isulwasaare Geedi oo oo shalay soo
gaara magaalada Muqdisho isla markaana sheegay in uu diyaar u yahay in
kulamo uu la qaato golihiisa xukuumada ee ku sugan magaalaada Muqdisho.
Kulankaan oo ka duwanaa kulamadii hore ay isugu imaanayeen Hotelka Saxafi
xubnaha labada gole ee dowladda ayaa ahaa kan mid u gaar ah golaha wasiirada
garabka Muqdisho, iyadoo ay ka soo qeybgaleen ku dhowaad 12 oo isugu jira
wasiiro iyo wasiiro K/xigeeno, waxaana ugu ugu horeyn ay cambaareeyeen
qaraxii shalay lala beegsaday mid ka mid ah kolonyo gaadiid ah oo
galbineysay Ra'isulwasaare Geedi.
Wasiirka hidaha iyo dhaqanka dowladda FS Cabdi Xaashi C/laahi oo
saxaafadda la hadlay kulankaasi ka dib ayaa waxa uu sheegay in aysan marnaba
ka qeybgali doonin kulanka uu ku baaqay Ra'isulwasaare Geedi oo ka dhacaya
Muqdisho, oo uu sabab uga dhigay khilaafka ka jira labada gole oo wali
taagan, ayna yihiin labo koox oo Muqdisho iyo Jowar ah, isagoo tilmaamay in
aysan waxba u arag qeybo shiray in ay wax keenayaan, waxa uuna sheegay in
xalka uu ku jiro in la wada hadlo, isagoo xusay in Q.M ay wada hadaladaasi
goob joog ka noqoto,
Kulankii maanta ay yeesheen xubnaha wasiirada Garabka Muqdisho ayaa waxaa
shir gudoon KMG ah loogu doortay Wasiirka ganacsiga dowladda FS Xaaji Muuse
Suudi Yalaxow, iyadoo kulankaasi lagu cambaareeyay cidii ka dambeysay
qaraxii lagu weeraray wafdigii uu hogaaminayay Ra'isulwasaare Geedi oo
shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.
muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakula@hotmail.com
muqsdisho somakiya
|