Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
Xildhibaan ka tirsan DFS ayaa ku geeriyooday magaaladda Jowhar

Magaalada Jowhar ayaa waxaa ku geeriyooday xildhibaan ka tirsan Baarlamanka FS oo lagu magacaabi jirey C/qaadir Aadan, iyadoo halkaasi lagu aasi doono.

Alaha u naxariistee XIldhibaan Cabdulqaadir Axmed Jibaar ayaa waxa uu geeriyooday maanta 11:30 barqanimo, isagoo ku sii jeeday masjid ku yaala magaalada Jowhar, waxaana uu geeriyooday markii wadnaha uu istaagay sida uu RSTV u sheegay Xildhi. Axmed Borrile.

Xildhi. Borrile oo ay isla socdeen markii uu geeriyoonayay Xildhi. Jibaar ayaa waxa uu sheegay in saacad ka hor ay iskula qaxweeyeen goob Cofee lagu iibiyo oo ku taala bartamaha magaalada Jowhar.

Marxuum C/qaadir Jibaar ayaa lagu wadaa in lagu aaso magaalada Johwar, iyadoo aaskiisa loo xilsaaray Gudi gaar ah oo Ra'isulwasaare Geedi u magacaabay, waxaana ka mid ah wasiir K/xigeenka warfaafinta Salaad Cali Jelle iyo xildhibaano kale.

Xilhibaan C/qaadir Jibaar ayaa waxa iuu ku dhashay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyadoo da'diisa lagu sheegay 60 sano jir, wana xildhibaankii 5aad ee ka dhinta baarlamanka FS, waxaana horey u geeriyooday Xildhibaanada kala ah Muqtaar Muunye Bishaar, Islaan Max'ed Cabdulle Xidig, Zakiyo Cabdisalaan Caalin iyo Yuusuf Max'ed Xaraare oo isagu ka mid ahaa golaha xukuumadda FS

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya