|
Qoxooti daganaa Xerada Xerada Xagardheer ee gobolka Waqooyi Bari Keenya ayaa
dab la Qaabadsiiyey.
Dhulbeereed Balaaran oo ay lahaayeen Soomaalida Qaxootiga ku ah xerada
Xagardheer ee gobolka W/bari ee wadanka Kenya ayaa sida wararka lagu helayo
dab la qabadsiiyay.
in kabadan 70 beero ay ku beeran yihiin dalagyo kala duwan oo ay
leeyihiin dadka Somalida ah ee ku jira xerada Xagar dheer ee W/bari Kenya
ayaa la sheegay in dab la qabadsiiyay oo la gubay.
Beeraha la gubay ayaa waxaa ka baxayay dalagyo kala duwan oo ay ka mid
tahay sisin, Qaro iyo Digir, waxaana iska lahaa dadka qaxootiga ah, iyadoo
dabka ay qabadsiiyeed dad qaxooti ah oo ka soo jeeda degaanka Xagardheere ee
W/bari Kenya.
Arintaan ayaa waxaa walaac ka muujiyay dadka qaxootiga ah oo iyagu iska
lahaa milkiyadda beertaasi, iyadoo dhowr jeer oo hore arinkaan ay ku soo
laabatay isla markaana dacwad ay uga gudbiyeen dowladda kenya balse aan
waxba ka qaban sida Sida ay RSTV u sheegeen waxgarad ka mid ah dadka
qaxootiga ah ee ku jira xerada Xagar-dheer oo saakay aan kula xiriirnay
qadka isgaarsiinta fooneeyaha.
muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya
|