|
Xubnaha labada gole ee Muqdisho oo maanta ansixiyay xeerka cusub uu
yeelanayo gobolka Banadir
Shir ay maanta ku yeesheen Hotelka Saxafi ee magaalada
Muqdisho xubnaha Labada Gole eek u sugan xamar ayaa laga soo saaray go’aan
lagu sheegay in Xildhibaannada Ansaxiixeen Xeerka KMG ah ee Maamulka Cusub
uu yeelan doono Gobolka Banaadir.
Xeerka KMG Maamul u sameynta Gobolka Banaadir oo ka
kooban 29-Qodob,iyadoo xeerkan loo kaashaday sida la sheegay Sharci yaqaano
Caalami ah.
Qeybta koowaad ee xeerkan ayaa waxaa ku qoran in Gobolka
Banaadir uu yeelan doono Gole Baarlamaan oo ka kooban 64 Xubnood, sidoo kale
waxaa uu leeyahay qodobkan ama uu faahfaahin ka bixinayaa qaabka loo soo
dooranayo Xildhibaannada.
Qeybta labaaad xeerkan ayaa waxaa uu sheegaya qaabka loo
dooranayo Guddoomiyaha baarlamaanka Gobolka banaadir iyo kuxigeenadiisa,
iyadoo qeybta 3-aad ayaa isna waxaa uu leeyahay Gobolka waxaa uu yeelanaya
Xeer ilaaliyo, Maxkamad madax banana,Xisaabiyo Guud.
Fadhigii maanta ayaa waxaa ka qeybgalay ilaa iyo 57
Xildhibaan sida uu sheegay Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo markii uu
kulanka dhamaaday la hadlayay Saxaafadda.
Talaabadan ay maanta xubnaha baarlamanka Muqdisho ku
ansaxiyeen Heerka maamulka Gobolka banaadir ayaa ah talabadii ugu horeysay
ee ay dhinaca maamulka gobolka u qadaan tan iyo markii ay dalka dib ugu soo
noqdeen iyadoo magaalada muqdishana uu ku sugan yahay Gudoomiyihii iyo duqii
uu magacaabay Raii’sal wasaare cali Maxamed geedi.
Gudiga soo dajiyay xeerka maamulka Gobolka banaadir ayaa
ka mid Prof Maxamed Faarax Jimcaalle,Dr Xuseen Xaaji Bood iyo aqoon yahano
kale sida ay sheegayan wararka.
Muxyadiin cali jimcaale jakuula
jkuula@hotmail.com
Muqdisho somaliya
|