Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Xeebaha dalka Soomaliya oo looga digay inaysan marin Maraakiibta Xamuulka ama ay ka fogaadaan

Xafiiska Badaha Caalamiga ayaa waxa uu sheegay in burcad badeedka hubeysan ee Soomaalida ay noqdeen kuwa weerara maraakiibta iyo doomaha xamuulka iyo kuwa kaluumeysi , waxaana ay ugu baaqeen markaakiibta xamuulka ah in ay ka fogaadaan xeebaha Soomaaliya masaafo fog inta ay suura galka tahay .

Waxaana xafiiska uu sheegay in badda Soomaaliya uu ka jiro dhaqdhaqaaq balaaran oo kaluumeysi ah si gaar ah halka laga galo Badda Cas.

Andro Mwangoora oo ah u qeybsanaha barnaamijka kaalmeynta iyo u gurmadka Badmaaxiinta ayaa hadal uu saxaafadda u sheegay isagoo ku sugan magaalada Mombaasa ee dalka Kenya oo ay iminka ku xiran yihiin laba markab oo lagu afduubtay Soomaaliya ayaa tilmaamay in kooxaha hubeysan ee Soomaalida ay sheegtaan inay yihiin kuwa ilaalinaya biyaha Soomaaliya oo ay ka hortagayaan Maraakiibka shisheeye ee sida xad dhaafka ah u ugaarsanaya kaluunka iyo kheyraadka badda Soomaaliya , ayna diidan yihiin doomaha iyo maraakiibta waxyaabaha sumeysan ku shubaya xeebaha iyo biyaha Soomaaliya .

Andro Mwangoora ayaa sheegay in waxyaabaha kooxahan ay ku marsiinayaan ay yihiin kuwa xaqiiqda ka fog oo ay yihiin burcad badeed dhaqaale doon ah.

Mwangoora iyo Mas’uuliyiinta Dekedda Mombaasa ayaa waxa ay xaqiijiyeen in guulihii ugu dambeeyay ee kooxaha burcad badeedka ay ku talaabsadeen uu yahay mid shaacinaya xiriirka kooxahaasi kala dhaxeeya dekedo iyo marsooyin ku yaala Bariga Afrika ,iyadoo la xusay in ay yihiin kuwa shirko ah , waxaana la gaarsiiyaa dhaqdhaqaaqyada doomaha iyo xilliga lagu balansan yahay inay maraan biyaha Soomaaliya .

Warka ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in kooxahan marka ay gacanta ku dhigaan dooni ama markab waxa ay heystaan muddo maalmo ah ama bilooyin inta laga siinayo lacag madax furasho ah.

Digniintan hay'adda Soo saartay ayaa waxa ay ku soo beegmatay xilli badaha Soomaaliya lagu afduubtay mudo 3 bolood ah markabkii afaraad, inkastoo 3 ka mid ah la sii daayay halka mid kalena iminka lagu heeysto xeebaha Xarardheere

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya