| |
Sheekh Xasan Daahir Aweys, Ayaa shaaca ka qaaday inuu abaabulayo Dawlad
Islaamiya oo gaadha Caalamka oo dhan.
Wariye ka tirsan Chanel 4 oo ka mid ah TVyada dalka Uk, oo booqasho ku tagay
dalka Soomaaliya ayaa waxa uu la kulmay masuuliyiin kala gadisan oo uu ka
mid yahay Madaxwaynaha DFKS Abdilaahi Yuusuf , Raysal wasaare ku xigeenka
ahna Wasiirka Arimaha gudaha Xussen Caydiid iyo sheekh Xasan Daahir.Aweys.
Suxifigan oo kula kala kulamay siyaasiyiintan Magaalooyinka Muqdhisho Iyo
Jowhar. Isaga oo la yeeshay masuuliyiintan wareesiyo kala gadisan oo
taabanaya dhinacyo badan, una badnaa dhinaca Amniga, Argagixisada iyo
taageerda caalamiga ah ee Soomaaliya u baahan tahay. Hadaba mar uu lakulmay
sheikh Xasan Aweys, ayuu waxa uu waydiiyay shaqsiyan mowqifkiisa ku aadan
xaga nabada. Wuxuuna sheekhu u sheegay in colaadu keento nabada, taasina
tahay lagama maarmaan.Sheekh Aweys oo isagu ah hogaamiye ka mid ah
hoogaamiyaasha ciidamada maxkamadaha Islaamiga ah, oo iyagu ka mid ah
maleeeshiyaadka ugu xooga wayn maagaalada Muqdisho, intii uu socday
waraysiga uu bixiyay sheequ ayaa la waydiiyay qorshihiisa Siyaasadeed ee
mustaqbalka dhow iyo fog.
Wuxuuna Daahir Aweys shaaca ka qaaday in uu Abaabulayo dawlad islaamiya
oo uu ka bilaabayo dalka soomaaliya. Uuna u gudbindoono Bariga Afrika. Isaga
oo ku faafindoona Dunida oo dhan.Xitaa marka lagu daro dalalka Reer
Galbeedka in uu gaadhsiin doono xukunkiisa. Hadalada ka soo yeeray sheikh
Daahir wax jawaab ah kama aysan soo saaaririn Madaxda reer Galbeedka
iyo kuwa Afrikada bariba, balse waxa jirtay in uu Sheekh Daahir aweys uu ku
jiro liiska magacyda argagixisada ee uu Mareykanku sida weyn u raadinayo
iyada oo lagu eedeeyay in ururka uu madaxda ka yahay ee Al Itixaad uu xiriir
wada shaqeen iyo taagero la leeyahay ururka Al-qaacida. Oo ah urur uu Madax
wayne Bush iyo reer galbeedku guud ahaan ay kula jiraan dagaal aad u ba'an
oo ay ku dabar goynayaan Dhamaanba dhaq dhaqaaqa ururka Al Qaacida.
Abdifatah Mahamed Abdirur
RSTV Minnesota
|
|