Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
 

Xadka Feer Feer ee Gobalka Hiiraan ayaa waxaa soo buuxiyay Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwo Puntland isugu jira.

 Waxaa xadka Feer Feer ee Gobalka Hiiran soo buuxiyay ciidamo ka kala socda Itoobiya iyo Puntland, iyadoo shacabka reer Hiiraan-na ay wal wal ka muujiyeen ciidamadaan FeerFeer ku sugan iminka.Waxaa isa soo taraya tirade ciidamada iyo waliba gawaarida tiknikada ah ee ku sugan xadka Feerfeer saacadahii la soo dhaafay, sida ay soo sheegayaan rakaabka ku safra wadada isku xirta Magaalada BaladWeyne iyo waliba degmada FeerFeer.

 Ciidamadaan ayaa la ogeyn halka ay ku wajahan yihiin, iyagoo shacarka ku dhaqan BaladWeyne ay walaac aad u adag ka muujinayaan ciidamada ka tirsan Puntland ee  ku sugan magaalada Baladweyne, iyadoo waliba u arkaan in ay tahay joogitaanka ciidamadaan ee baladweyne culeys xaga siyaasada ah oo haatan la ciirciirayo Gobalka Hiiraan, waxayna saadaalinayaan in laga yaabo kuwo kale oo aad u fara badan in ay soo gaaran gobalka hiiraan gaar ahaan magalada baladweyne.

 Waxaana maanta lagu wadaa in mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo waliba qeyb ka mid ah saraakiisha ay qaataan kulan arrintan looga arrinsanayo, walow haddana uu jiro dadaal ka socda guddaha xarunta maamul goboleedka Midland, kaasoo la doonayo in la isugu soo jiido qeybaha ka biyo diidsan joogitaanka saraakiisha ka tirsanaa maamul goboleedka Midland oo dhowaantan soo gaarey guddaha magaalada Balad Weyne.

 Warar aan helnayna waxay sheegayaan ciidamadaan soo buux dhaafiyeen Xadka FeerFeer in ay u socdaan dhicana magaalada Jowhar si ay u ilaaliyaan xubnaha dowlada oo waliba la filyo in uu dhawaan soo gaaro Madaxweyne C/laahi Yuusuf, waxaana haatan magaaladaas Jowhar ku sugan Ra’iisul Geedi iyo xubno uu hogaaminayo kana tirsan laba gole ee dowlada FS.

 

Wariye
Abdifitahaam Ahmed
Rochester Somali TV
Mogadishu - Somalia