Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   
Xabad joojin ay isla gaareen Dhinacyadii ku Dagaalamay degmada Yaaqshiid,

Xaaladda Degmada Yaaqshiid ayaa saakay ku waabariisatay nabad, iyadoo saakay aan la maqleyn dhawaqa rasaasta ka dib markii labada dhinac ay ku heshiiyeen xabad joojin rasmi ah.

Joojinta dagaalkaasi ayaa waxaa isku howlay shirkadda Banadir ee ka arimisa dekedda Ceelmacaan, iyadoo maleeshiyooyinkii iska soo horjeeday la kala geeyay goobihii ay ka kala yimaadeen.

Gudoomiyaha Midowga Maxkamadaha islaamiga magaalada Muqdisho Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo u waramayey RSTV ayaa waxa uu sheegay in xaaladu ay tahay mid degan, isagoo sheegay in heshiis xabad joojin ah la gaaray.

Gudoomiyaha Midowga Maxkamadaha islaamka Muqdisho waxa uu intaasi ku daray in maanta Gudigii dhex dhexaadinta ay hubinayaan sidii ay u dhaqan gashay xabad joojinta isla markaana ay kulamo gooni ah la yeelanayan dhinacyadii ku dagaalamay degmada Yaaqshiid dabadeedna kulan guud la qaban doono.

Dagaalkii shalay ka dhacay degmada Yaaqshiid ayaa waxaa ku geeriyoodey 14 ruux halka tirada dhaawaca ay sii cagacageyneyso 20 isla markaana ay u badan yihiin dad rayid ah oo haleeshay rasaasta habowga ah.

 Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya