|
Xaalad
ammaan daro oo ka jirta wadada isku xirta Afgooye iyo Wanlaweyn
Waxaa si aad ah
looga deyrinaytaa xaaladda ammaan ee wadada isku xirta degmooyinka Wanlaweyn
iyo Afgooyer ee gobalka shabeelaha hoose,taasoo la sheegay in ay gaartay
heer aad uxun oo wali aan horay loo arag.
Halka
ammaandarrada ugu khatarsani ay ka jirto ayaa ah deegaanka loo yaqaano
Warmaxan oo ay si aad ah ugu soo bateen kooxo maliishiyooyin ah oo dhac iyo
mararka qaar dil ugeysta dadweynaha waddadaa ku safra. Lama garanayao waxa
sabab u ah in xilligan dhibaatada noocan ahi ay sookorodho wadadnoo lagu
tilmaami jiray midda ugu wanaagsan xagga ammaanka marka la eego dhammaanba
wadooyinka kale ee gobalka Shabeelahah hoose.
Maliishiyoyinkan oo sida la sheegay aan cidna ka ammar qaadan ayaa wararku
sheegayaanin gaadiidka ay wadad ka weeciyaan oo dabadeetana ay baarasho kula
dhaqaaqaan dadka safarka ah ee gawaarida la socda .
Labadii maalmood
ee tagay ayay waraku sheegayaan in ilaa iyuo 4 ruux loo geystay dgaawacyo
aad halis u ah,halka in ka badan 4 gaadiid ah dhac loogu geystay wadada
isku xirta Afgooye iyo Wanlaweyn,gawaaridaasoo kii ugu danbeyay la dhacay
shalay gellinkii danbe.
Arrintan
ammandarrida ah ayaa cabsi aad udaran ku abuurtay dadweynaha wadadaa
adeegsada gaar ahaana dadaka xoolo dhaqatada ah oo maalin kasta caanaha
usoo safriya degmada Afgooye,iyadoo ilaa iyo iminkana aaney muuqanin cid isu
taagtqay wax ka qabashada xaaladda ammaandarro ee soo korodhay.
Mid ka mida
wadayaasha gaadiidka wadadaa adeegsada oo ka gaabsaday magaciisa cabsi
dhinaca ammaanka ah awgeedayaa sheegay in dhibaatada halkaa ka jirta ay
tahay mid aad uga weyn inta la maleynayo,isagoo ka dhawaajiyay in maraca
qaar ay dhacdo in maliishiyooyinku ay rasaas isaga furan gaariga iyadooba
aaney la hadlin,taasina ay keento dhimasho iyo dhaawacyo soo gaara dadka
rakaabka ah.
Wadahan gaari ee
magaciisa ka gaabsanaya ayaa maamulka gobalka shabeelaha hoose iyo xubnaha
dowladda ee reer Muqdisho waxaa uu ka dalbanayaa in in ay isu taagaan
arrintaa halista leh in ay si degdeg ah wax uga qabtaan.
Sarkaal ka tirsan he’adda Geneva Call oo socdaal ku maraya goballada
Jubbooyinka
Masuul sare
oo ka tirsan he’adda la yiraahdo Geneva call oo ah he’ad qaabilsan dhinaca
wacyi gelinta miinooyinka aya shalay gellinkii danbe soo gaaray magaalada
Kismaanyo ee xarunta gobalka Jubbada hoose.
Sarkaalkan oo
lagu magacabo C/casiis Cabdi Xuseen oo isla markaana ah gaashaanle ka tirsan
dowladda Kenya oo saxaafadda kula hadlay magaalada Kismaanyo ayaa ujeedada
socdaalkiisa ku tilmaamay mid uu ugu kuur galayo balqaabka loo dhaqangeliyay
heshiskii he’adda JVA-du ay ku saxiixday magaalada Nairobi ee dalka Kenya
bishii Jannaayo ee sanadkan.
Heshiiakaa ayaa
ku saabsanaa in JVA-du aaney isticmaalin gelinta soo sarista iyo waliba ka
ganacsiga miinooyinka oo dhibaato aad u daran ku haya caalamka gaar ahaanna
wadammada ay dagaalladu ka jiraan oo Soomaaliayana ay ka mid tahay.
Sarkaalkan ayaa
xalayba kulamo kala duwan la yeeshay qeybaha kaladuwan ee bulashada rayidka
eek u nool magaalada kismaanyo,iyadoo maantana uu sii waday kulammada uu
laleeyahay masuuliyiinta Isbahaysiga Dooxada Jubba .
Ururrada
bulshada rayidka ayuu gaashaanle C/casiis ka codsaday in ay siiyaan wixii
xog ah oo ay ka hayaan dhibaatada miinooyinku ay u geysteen goballada
Jubbooyinka,isagoo sheegay in inta uu joogo magaalada Kismaanyo uu la
shaqeyndoono uqeybsanah Isbahaysiga dooxada Jubba ugu qaabilsan la shaqynta
kooxaha samafalka oo lagu magacaabo Cabdi Cartan Aaden.
Sarkaalkan ayaa
soo maray goballada Puntland,Somaliland,Gedo Bay iyo Bakool,iyadoo
socdaalkiisana uu ku soo gabagabeyndoono gobalka Galgaduud ee bartamaha
dalka Soomaaliya .
Maxamed Cumar Sheekh (Maxamed Cadde)
Rochester Somali Tv Muqdisho
Cadde_8@hotmail.com
|