Dagaalo maanta ka dhacay xaafada raadeeka ee magaaladda Muqdisho,
Labo ruux ayaa ku geeriyootay labo kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib
markii ay kala shakiyeen ciidamo maxkamadeed iyo maleeshiyooyin ay
jidgooyo u tiilay agagaarka kulyadii ciidamada ee magaalada Muqdisho.
Abaarihii 11:00 Am ee maanta ayaa waxaa iska horimaad laisku adeegsadya
hubka fud fudud nuucyadiisa kala duwan waxa uu dhex marey maleeshiyooyin
jidgooyo ay u taalay inta u dhaxeysa kulyadii ciidamada iyo xaruntii hore
ee wasaaradda Gaashaandhigga iyo ciidamo ka tirsan maxkamada islaamiga ee
warshadda caanaha.
Labadaan ciidan ayaa kala shakiyay xilli la sheegay in maleeshiyooyinka
jidgooyada ay u taalay ay baacsanayeen baabuur Crasida ah oo ay wateen
koox hubeysan oo isku dayay in ay dhacaan baabuur jaad waday, iyadoo
ciidamada maxkamada ay ka duldhaceen falkaasi, waxaana halkaasi ka dhashay
kala shakiga in ay dhintaan labo ruux oo mid ka mid ah uu ahaa dadkii
saarnaa baabuurka jaadka siday, iyadoo labo kalena uu dhaawac ka soo
gaaray sida uu RSTV aqiijiyay Gacal Xuseen Gacal oo ka mid ah dadka
degaanka Raadeerka oo goobjoog ka ahaa falkaasi marka uu dhacayay.
Gacal Xuseen waxa uu intaasi ku daray in xaalado ay dagan tahay hadana
waxaa jira in colaad ay ka muuqato halkii uu ka dhacay
Muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya