Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Xubnaha labada Gole ee Dawlada Fedraalka garabka muqdisho ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed iney u diyaargaroobaan Difaaca Dalkooda iyo Diintooda.

Xubanaha labada gole dawlada Fedraalka Soomaaliya ee ku sugan ayaa ka digay kharta ku soo wajahan Dalka Soomaaliya oo cadowga doonayo inuu gacanta ku dhigo Dalka Soomaaliya iyaga oo soo adeegsanaya Xubnaha dawada ee jawhar xarunta ka dhigtay ee uu madaxda u yahay C/laahi Yuusuf Axmed madaxweynaha dawlada Fedraalka.

Hadalkan ayaa waxa ay galabta ka sheegeen Xubanaha Labada Gole xaflad lagu maamuusayo Ciida Shawaal oo lagu qabtay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Axmed Cumar Jees ayaa ku Tilmaamay C/laahi Yuusuf Nin waligii daba dhilif u ahaa xabshida isla markaana aan wax heshiis ah lala gali karin oo uu wato dano ay Ethiopia ka lee dahay Soomaaliya oo ah buu yiri in la baa'biyo Diintooda iyo dhaqankooda Suuban.

'Heshiis kula galimayno C/laahi Yuusuf inuu Gurgurtan galiyo Xuriyadda iyo Madaxbanaanida Qaranka Soomaaliyeed yuu yiri Xildhibaan Jees oo si carole u yiri Jawhar waxaa Isugu tagay Gaalo Raac.

Sidoo kale Munaasabadaasi waxaa ka hadlay wasiirka ganaacsiga dawlada Fedraalka soomaaliya Al-Xaaji Muuse Suudi Yalaxo waxa uuna sheegay in C/laahi Yuusuf uu 30 sano soo waday kala qaybinta dadka soomaaliyeed waligiia isma badalo waxa uuna Jaajuus u ahaa Ethiopia.

Muuse Suudi ayaa ku tilmaamay magaalada jawhar Meel maran oo aan wax dhaqaalle ka jirin isagoo ugu baaqay Xubnaha dawlada ee Jooga jawhar iney yimaadaan Muqdisho oo ay umadooda u adeegaan.

Munaasabadaasi ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay afhayeenka Xubanaha Labada Gole ee muqdisho Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed iney Ciidan teeda kale ay ku garaan nabad iyo barwaaqo.

muxyafiin cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

muqdisho somaliya