Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Wiil uu dhalay Gudoomiya ku xigeenka labaad ee Somaliya cismaan Cilmi Boqoreoo maanta Muqdisho lagu dilay

Wiil uu dhalay Gudoomiye K.xigeenka 2aad ee Baarlamanka FS Cismaan Cilmi Boqorre ayaa goordhaweyd ku naf baxay Isbiitalka Madiina ee magaalada Muqdisho ka dib markii koox maleeshiyo ah oo aan la garaneyn ay ku rasaaseeyeen inta u dhaxeysa iskuulka Banadir iyo isgoyska Km 4 ee magaalada Muqdisho.

Wiilkaan Geeriyooday oo uu dhalay Gudooomiye k/xigeenka Baarlamanka oo lagu magacaabi jirey Qadar Cismaan Cilmi Boqorre ayaa waxaa uu watay gaari nuuca Mark2 ah, waxaana kooxa haan hubeysan ay wateen sida ay RSTV u sheegeen dad goobjooga yaal ah inuu watay gaari Maarkii2 ah, waxa ayna rasaas la beegsadeen isagoo marayay inta u dhaxeysa dugisga Sare ee Banadir iyo Warshadii hore ee Cococole ee agagaarka isgoyska Km ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo dhaawaciisa laga qaaday, markii isbitalka la geeyayna uu ku geeriyooday.

Dhaqtar Hilowle Kaahite Jimcaale oo ah Madax qeybta gargaarka deg deg ah ayaa sheegay in dhaawac wiilka uu ahaa mid halis ah rasaasta ay kaga dhacday Feeraha iyo cududa, waxa uuna xusay in uu u dhintey diibax, isagoo sheegay in meelo kale la soo marsiiyay.

Waxa uu sheegay in ay muujiyeen dadaal badan oo ay ku badbaadin lahaayeen balse waqtiga uu ku dhamaaday cod..

Mid ka mid ah ehelada Marxuum Qadar Cismaan Cilmi Boqorre oo ka gaabsaday magaciisa oo u waramay RSTV isagoo ay ka muuqatay naxdin iyo wal wal fara badan ayaa waxa uu sheegay in aysan garaneyn cidda falka geysatay balse ay soo bixi doonaan dadkii ku lug lahaa falkaasi.

Ilaa iyo hadda ma jiraan warar xaqiijinaya cidda dilka Marxuumka geysatay iyo sababta loo dilay intaba

Dilka wiilkaan uu dhalay Gudoomiye Kxigeenka Baarlamanka FS ayaa ku soo beegmay xilli 2 dii bishaan November aabihiis Cismaan Cilmi Boqorre uu isaga tagay magaalada Muqdisho, isagoo ku fikir noqdey xubnaha dowladda FS ee ku sugan Jowhar.

Boqere Dilka Wiilkayga waa mid Siyaasad ay ka danbayso

Gudoomiye K/xigeenka Baarlamanka FS Cismaan Cilmi Boqorre ayaa ku tilmaamay dilka wiilkiisa in ay ka dambeysay arin siyaasadeed balse uusan cid gaar ah oo ku sugan magaalaada Muqdisho ku tilmaami Karin in dilkaasi ay geysatay.

Cismaan Cilmi Boqorre oo u waramayay saxaafada isagoo jooga magaalada Jowhar ayaa waxa uu sheegay in fgacan ku dhiiglihii ka dambeeyay dilka wiilkiisa Khadar Cismaan Cilmi isaga uusan ka dambeyn doonin isla markaana uu dhib ku qabi doono aduun iyo aakhiro

Cismaan Cilmi Boqore ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay hadii Gudi Baaritaan uu Gudoomiyaha Baarlamanka u xilsaaray dilka wiilkiisa cod….

Khadar Cismaan Cilmi Boqorre ayaa ku naf baxay Isbiitalka Madiina ee magaalada Muqdisho ka dib markii koox maleeshiyo ah oo aan la garaneyn ay ku rasaaseeyeen inta u dhaxeysa iskuulka Banadir iyo isgoyska Km 4 ee magaalada Muqdisho.

Dilka Wiilka uu dhalay Cismaan Cilmi Boqorre ayaa ku soo beegmay xilli 2 dii bishaan November aabihiis Cismaan Cilmi Boqorre uu isaga tagay magaalada Muqdisho, isagoo ku fikir noqdey xubnaha dowladda FS ee ku sugan Jowhar.

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya