|
Wafdi ka socda hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO iyo UNICEF oo ku
sugan magaalada Muqdisho , ayaa maanta waxay booqdeen
goobo kuyaala dagmoyinka Bondhere, iyo shangaani oo haatan uu ka soconayo
talaalka ka hortaga cudurka dabaysha.
Wafdigan ka socda hay’adaha caafimaadka aduunka ee WHO, iyo UNICEF ayaa
ujeeda safarkooda Muqdisho lagu sheegay in ay tahay xaqiijinta hamsami
usocodka iyo xoojinta hawlaha talaalka cudurka dabaysha oo haataan markale
talaalkiisa laga bilaabay dalka Soomaaliya, sida uu RSTV u sheegay Dr.
Maxamed Maxamuud Fuje madaxa xafiiska hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO ee
magaalada Muqdisho.
Cudurka dabaysha ayaa horay hay’ada WHO. iyo masuuliyiinta caafimaadka ee
Soomaalida waxay shegeen in dhamaanba laga waayey cunug uu hayo ducurka
dabaysha dalka Soomaaliya bishii oktobar sanadii 2002-da.
Hase yeeshee horaantii bishan ayaa hadana waxaa markale la shaciyey in
cudurkii dabaysha laga helay caruur uu hayo dalka Soomaaliya gaar ahaan
magaalada Muqdisho.
Talaalkan ka hortaga cudurka dabaysha oo ka bilowday magaalada Muqdisho
maalintii shalay ahayd ayaa waxaa lagaarsiinayaa dhamaan gobolada dalka
Soomaaliya ayadoo cunigii horay loo siiyey talaalka ka hortaga cuduka
dabayshana markale la siinayo talaalka ka hortaga cudurka dabaysha ayadoo
talaalkuna uu yahay mid lacag la’aan ah oo hawlwadeenada caafimaadka
qaarkood ay guryaha ugu gaynayaan qoysaska leh cauuraha ay da doodu ka
yartahay shano jirka ah
Muxudiin Cali Jimcale Jakula
Jakula@hotmail.com
Muqdisho Somalia
|