| WFP
oo ka digtay Khatarta xeebah Somaliya
Barnaamijka cuntada ee WFP ayaa warsaxaadeed ay ka soo saareen Nairobi
waxa ay kaga digeen falalka afduubka ah ee ku sii kordhaya xeebaha
Soomaaliya oo ay sheegay in taasi ay caqabad ku noqonayso howlaha
bani’aadnimo ee lagu gargaarayo nus milyan Soomaali ah oo cuno yari baahsan
ay ka soo deristay.
Agaasimaha WFP ee Soomaaliya Zlatan Milisic, ayaa sheegay in hay’adiisa
iyo hay’ado kale oo ay howl-wadaag yihiin ay si qoto dheer uga walaacsan
yihiin xaalada bani’aadnimo ee sii xumaanaysa ee ka jirta koonfurta
Soomaaliya, sidaas awgeedna ay tahay buu yiri in iminka aynu dardargelino
sidii dalka Soomaaliya meelha ugu liita loo gaarsiin lahaa cunto, inakstoo
buu yiri ay taagan xaalad curyaaminaysa howlahan.
Mr Milisic wax uu sheegay in ilaa 640,000 Soomaali ah ay isugu darsoontay
abaaro iyoi dagaalo kooxeed oo daba dheeraaday.
Waxa kale oo uu sheegay in ay raadinayaan wadooyin kale oo samafalka lagu
gaarsiin karo dadka u baahan ee Soomaaliyeed, maadaama buu yiri amaandaro ay
ku soo korordhay xeebaha Soomaaliya ay halis tahay in maraakiibta ay maraan.
Inkastoo afduubyo ay ka jiraan xeebaha Somaaliya, ayaa haddana WFP waxa ay
keentay 1,555 ton oo raashin ah oo la gaarsiiyey ilaa 150,000 oo ruux oo
Soomaali ah oo ku dhaqan degmooyinka Jilib iyo Bu’aale labadii todobaad ee
la soo dhaafay, iyadoo 830 ton oo dheeri ah loo qeybiyey 78,000 oo ruux oo
ku sugan degmada Saakow
Muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya
|