|
WFP oo eedeyn u jeedisay Hogaamiyeyaasha Soomaalida
Si is daba joog ah ayaa waxaa soo baxaya baaqyada loogu
yeerayo maleeshiyooyinka degaanka Xarardheere ka soo jeeda ee gacanta ku
haya Markabka u raran hay’adda cuntada adduunka ee WFP inay shuruud la’aan
ku sii daayaan markabka iyo shaqaalaha saaran, ururada bulshada rayidka ah
ee Muqdisho ayaa loogu yeeray maleeshiyadaasi inay fasaxaan Markabka MV
Swmlow.
Ku xigeenka madaxa hay’adda WFP ee Soomaaliya Leo Van ayaa
Nairobi bayaan uu ka soo saaray ku eedeeyay hoggamiye kooxeedyada Soomaalida
inay ka gaabiyaan oo aanay waxba ka qaban dhibaatada ka taagan markabka MV
Semlow, wuxuuna uga digay maleeshiyada markabka heysata inay raashinka
mucaawinada ah ee saaran bililiqeystaan.
Dhinaca kale waxay ururada bulshada rayidka ah ee Muqdisho
ugu baaqeen burcadda Baddaha inay joojiyaan weerarka maraakiibta ganacsiga
xilligan oo bisha Ramadaan nagu soo fool leedahay loona baahan yahay in
bulshada ay hesho ganaciga ay u baahan tahay
Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdish Somaliya
|