Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
Webiga Shabeelle oo degmooyin dhowr ah ku fatahay qaasarana ka geystay.
 
webiga shabeelle ayaa ku fatahay degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka shabeelada hoose oo ay inta badan dadka degeni ay yihiin kuwa ku tiirsan beerashada dalagyada kala duwan ee la quuto.webiga ayaa ku fatahay degmada Kunturwaaray asagoo halkaasina ka geystay qasaaro nafeed iyo maaddi intaba.
fatahaada webiga ee degmooyinka gobolka shabeelaha dhexe ayaa kusoo aaday xilli dadka deegaankaasi ku dhaqan ay isu diyaarinayen goosashada waxyaabihii ay tabcadeen balse uu webiga kusoo fatahay ayagoo haatan degmooyinkaasi ka cararay.
 
dadka kale ee degen degmooyinka gobolka ayaa cabsi ka qaba in ayaguna uumarkooda kusoo fataho webiga oo haatan ah mid sida biyo aad u fara badan.hay'ada Konsen ee ka howlgasha gobolka Shabeelaha hoose ayaa gaarsiisay dadka ku dhaqan degmada kunturwaaraey illaa 1000 kiish oo ay ku jiraan ciidda looga hortago biyaha si ay isga moosaan haddii markale uu webiga kusoo fataho.
 
gudoomiyaha degmada Kunturwaaray Salad cali koofi ayaa Rochester Tv u sheegay in hay'adda konsen ay soo gaarsiisay kaalmadaasi balse aanay ku filneyn marka loo eego qasaaraha fatahaadda asagoo tilmaamay in degmooyin fara badan ay haatan qatar ugu jiraan in webiga uu kusoo fataho.ma ahan markii ugu horeysay ee webiga shabeelle uu kusoo fataho degmooyinka gobolka shabeelaha hoose.
 
Maxamed cumar sheeq.
Rochester Somali TV ,Muqdisho.