|
Waxgarad ka soo jeeda Xudur iyo Waajid oo is hotraagay ina Maamul loo
sameeyo Deeganadaasi,
Waxgaradka iyo odayaasha degmooyinka xudur iyo Waajid ee gobolka Bakool
ayaa is hortaagay qorshe ay wadeen wasiirada ku sugan gobolka Bakool oo
doonayay in ay maamul u dhisaan gooblkaasi.
Wasiirada Ku sugan Xudur ayaa qorshaha isla egta ah oo ay wadaan isla
markaana ay ku doonayaan in maamul ay ugu sameeyaan gobolka Bakool waxa ay
caqabado ka soo wajaheen odayaasha iyo waxagaradka degmada Waajid iyo Xudur
oo iyagu aamin san in loo madax baneeyo in iyagu ay magacaabaan maamulka
degaanadooda.
Odayaasha iyo waxgaradka degmooyinka Waajid iyo Xudur oo kulamo la qaatay
wasiirada DFS ee iyagu ku howlan maamul u sameynta ayaa isku ahmiyaayay in
meel la isla dhigo amuurtaasi,iyado ay jirto wali dadaalo ay wadaan
wasiirada oo ay uga dhaadhicinayaan odayaasha in ay taageeraan qorshaha ay
wataan.
Wasiir K/xigeenka Iskaashatooyinka DFS Mr. Guurow oo isagu ka mid ah
wasiirada ku howlan maamul u sameynta gobolka Bakool ayaa isagu ka soo
laabtay degmada Waajid ka dib markii culeysyo uu kala kulmay degmada Waajid.
Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|