Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
kulamadii Wasiirada DF Somaliya iyo maamul Goboleedla Puntland oo Qodobada qaar la isku mari layahay

Kulankan oo furmay maalintii sabtidii ayaa la sheegay in wali uusan kasoo bixin wada hadal rasmi ah oo dhex mara Dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedka Puntland taas oo ku aadan xal u helida arimaha qeyraadka Dabiiciga ah ee Dalka, iyadoo dhowaan ay maamul Goboleedka Puntland heshiis la gashay shirkado shidaalka qoda.

Kulanka ayaa la sheegay in la isku mari waayay qodobo badan,kaasoo la sheegay inuu yahay meel marinta heshiisyada ay Maamul Goboleedka Puntland ay la gashay shirkadaha shisheeye.

Warar lagu kal soo naan karo oo ay Rochester somali TV ka heshay Xarunta Dowladda ee Magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in kulanka dhex maraya Puntland iyo Dowladda uu qarka u saran yahay inuu bur buro,maadaama la isku afgaran waayay waxyaabo badan oo shirkaas looga hadlay,waxaana ilaa hada la sheegay in xal laga gaari la’ yahay qodob shirkaas looga hadlayay

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya