|
Wasiirka maaliya DFS oo geeniyey inay lacago been abuur ah soo daabaceen,
Wasiirka maaliyadda dowladda FS ayaa beeniyay in dowladda FS ay soo
daabaceen lacag sh.som ah, balse dowlada ay sameyneyso lacago u gaar ah,
arintaasi oo ku sheegay shir jaraa'id uu maanta ku qabtey magaalada Jowhar.
Wasiirka maaliyadda DFS Saalim Caliyow Ibroow oo maanta Shirkani Jaraa'id
uu ku qabtey magaalada Jowhar ayaa waxa uu kaga hadlay siyaasada dowlada
gaar ahaan arimaha maaliyadda.
Saalim Caliyow Ibrow ayaa waxa uu waxba kama jiraan ku sheegay warar
maalmahaan soo baxayay oo ahaa in dowlada FS ay soo daabacday lacago sh.som
ah, wasiirka waxa uu sheegay in arintaasi ay been tahay isla markaana ay
buun buuniyeen qaar ka mid ah saxaafadda gudaha.
Wasiirka maaliyadda waxa uu sheegay in uu kulamo la qaatay ganacsatadii
lacagaha sameyn jirtey, waxaana ay ka aqbaleen in aysan sameyn lacago been
abuur ah.
Wasiirka maliyadda waxa uu kaloo sheegay in ay jiraan dowlado dhaqaale u
balan qaaday dowladda FS oo la filayo bisha janaayo ee sanadka soo socda,
isagoo sheegay in dowladda aysan ku tashan doonin dhaqaale ay ka helaan
beesha caalamka balse uu sheegay in canshuuro ay bilaabayaan.
muxyadoon cli jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya
|