Wasiirka hantida qaranka oo soo gaaray Waajid.
Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo wasiirka hantida qaranka iyo qalabaynta
dowlada ku meel gaarka ah ee wadanka Soomaaliya Maxzamud Sayid Aadan ayaa
maanta barqadii soo gaaray magaalada Waajid ee gobolka Bakool.
Wafdiga Maxaud sayid Aadan ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay xubno
dowlada ka tirsan oo halkaasi ku sugan kuwaasoo diyaar garaynaya
maleeshiyaad qaranka uu yeesho.
Maxamud Sayid Adan ayaa waxaa ku wehlisay socdaalkisa maleeshiyaad wata
gawaari dagaal oo aad u badan kuwaasoo la doonayop in ay ku biiraan
ciidamada qaranka ee halkaa tababarka uu uga socdo.
waxaana la filayaa in wafdiga Maxamud sayid aadan wadahadalo ay la
yeeshaan wasiirada gobolka bakoolku sugan ee ayt ugu horeeyaan kan beeraha
iyo garsoorka Xasan MAxamed Nur Shaati gaduud iyo Shiikh Aadan madoobe.
Warar aan la hubin ayaa sheegaya in wafdiga maxamud sayid aadan ay usoo
gudbaan magaalada Jowhar oo ay ku sugan yihiin Madaxweynaha iyo
ra'isulwasaaraha.
Maxamed Cumar Sheekh.
Rochester Somali Tv,Muqdisho.
Mcadde@rstvonline.com
|