Wasiirka amniga DF Somaliya oo sheegay in aan Dagaal Baaqanaynin inta
Maleeshiya ku Haybta ah madaxweyne C/Yuusuf ay joogaan Magaalada Jowhar
Maxamed Qanyare Afrax wasiirka abniga DF Somaakiya oo maanta lahadlaayey
saxaafada Muqdisha ayaa sheegay inaan dagaal laga fursan doonin inta
maleeshiyda ku Haybta C/yuusuf ay joogaan magaalada Jowhar oo ay tahay in
sida ugu dhaqsada badan loogu celiyo gobalada ay ka yimaadeen waa sida uu
hadalka u dhigaye
Wasiirka Abniga ayaa sheegay in dagmada Jowhar ay tahay meel aan Nabad
ahayn isla markaasna laga soo abaabulaayo dagaalo sokeeye oo lagu sooqaado
gobolka Banaadir iydoo wixii halkaasna kadhacana uu masuuliyadeeda
qaadaayo madaxweynaha Somaliya C/yuusuf
Qanyare ayaa tilmaamey in dhawaan kulan ay isu imaan doonaan degmada
Balcad xubnaha dowlada ee Muqdisha ku sugan islamarkaasna aysan jirin cid
is hortaagi karta kulankooda
Hadalka Qanyare ayaa yimid xili uu cirka isku sii shareeraayo qilaafka
la sheegay inuu la xiriiro dhinaca fikirka ee u dhaxeeya xunaha Muqdisho
iyo Jawhar
Sikastaba ha ahaatee gudoomiya ku xigeenka labaad ee baarlamka Cismaan
Cilmi Boqore ayaa sheegay inuu soo dhaweynaayo hadalkii dhawaan ka soo
yeeray madaxweynaha somaliya C/yuusuf axmed isagoo ku sugan Magalada
Muqdisho
Mxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya