Magaalada Jowhar oo ka socoto qabab qaabada soo dhaweynta
Wasiiradda IGADMagaalada Jowhar ayaa waxaa ka socdo qaban qaabo loogu
jiro soo dhaweynta wafuud ka tirsan wadamada deeqaha bixiya iyo urur
goboleedka IGAD, iyadoo magaaladaasi lagu wado in uu ka furmo shir madaxeed
ay wasiirada arimaha dibadda urur goboleedka IGAD ay ku eegayaan sanad ka
dib waxii u qabsoomay dowladii lagu soo dhisay Kenya.
Dowladda FS ee ku sugan Jowhar ayay u tahay war fiican in 9 ka bishaan
magaalada Jowhar ay noqoneyso magaalo uu ka furmo shir madaxeedka wasiirada
arimaha dibadda ee dalalka IGAD oo ay ka qeybgalayaan xubno ka socda dalalka
deeqaha bixiya iyo IBF ta si loogu kuurgalo bal sanad ka dib waxii u
qabsoomay dowladii lagu soo dhisay Kenya.
Wasiirka warfaafinta dowladda FS Max'ed Cabdi Xayir Maareeye oo shir
jaraa'id qabtay ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay sida ay isugu
diyaarinayaan kulankaasi, isagoo sheegay in ay socoto qaban qaabo xoogan oo
garabka Jowhar ee dowladda FS ugu jirto soo dhaweynta wafuuda ka imaaneysa
IGAD iyo dalalka deeqaha bixiya.
Mareeye ayaa waxa uu sidoo kale sheegay wasiirka arimaha dibadda DFS C/laahi
Sheekh Ismaaciil oo iminka ku sugan magaalada Adis ababa uu ku jiro abaabul
la xiriira sidii safiirada dalalka IGAD oo Adis-ababa isugu imaanaya uu
markaasi u keeni lahaa magaalada Jowhar,kuwaasi oo diyaarinaya kulan ka
horeeya kan wasiirada arimaha dibadaha ee dalalka IGAD.
Maareeye waxa uu sheegay in macnaha kulankaasi dowlada ay u sameyneyso ay
tahay in indhaha caalamka loogu soo jiido xaaladda Somaliya iyo
saldhigashada dowladda FS ee magaalada Jowhar.
dadka siyaasadda faaqida ayaa leh'Tani waa hor mar kale oo macno
weynsameynaya hadii ay suurto galnoqoto oo ku talaabsatay DFS halka xubnaha
labada gole ee magaalada Muqdisho ku sugan ay ku noqonayso dhabar jab, iyada
oo ay muuqato in baska ay saaran yihiin uu aad u gaabiyay halka xubnaha kale
ee jowhar jowhar ay si aad ah ugu horumareen dhamaan himilooyinkii ay balan
qadeen markii ay dowladdu ku sugnayd magaalada Nairobi.
Wasiirka Maaliyadda ahna Ra'isul Wasaare Kuxigeenka Prof Saalim Ibroow
ayaa isana saxaafadda u sheegay in haatan wixii ka dmbeeya soomaaliya ay
galayso waji cusub oo nabadeed, taasi oo uu yiri waa u furan tahay cid kasta
oo IGAD kala qayb galysa dib u dhiska iyo taageerada Dowladda Fs
Muxyadiin Cali jilmcalle jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya
|