|
Wasiirka arimaha dibadda Masar Axmed Abul Gheyd ayaa waxa uu sheegay in
dhibaatada Soomaaliya ay tahay mid u xuub siibatay arimo beeleed iyo mid
goboleed oo isku xiran .
Abul Gheyd ayaa waxa uu xusay in uu dhowaan si weyn u tixraacay qaabka
Xukuumadda FKMG ah ee Soomaaliya ay dib ugu laabatay dalka , waxa uuna
sheegay inay soo dhoweynayaan ,iyagoo rajo ka qaba in ay ka wada qeybqaataan
soo celinta xasiloonida.
Waxa uuna ugu baaqay Xukuumadda FS in waajibaadka saaran ay kaga gudbi
karto ilaalinta midnimada iyo dib u heshiisiin ee ma ahan ayuu yiri in la
dagaalamo ama la is khilaafo , waxa uuna ku nuuxnuuxsaday in dowladda Masar
ay muujineyso dadaal dheeraad ah sidii Xukuumadda cusub ee Soomaaliya ay uga
lug siiban laheyd dhibaatooyinka ay kala kulantay gudaha dalka Soomaaliya .
Wasiirka arimaha dibadda Masar ayaa waxaa kaloo intaasi uu ku daray
inaanu qarsooneyn kaalinta muuqata ee ay ka qaateen xilli hore xal u helida
mushkilado fara badan oo ka dhex jiray kooxaha hubeysan ee Soomaalida , waxa
uuna xusay inay diyaar u yihiin in ay xaliyaan khilaafaatka xilligan ka dhex
oogan Xubnaha Dowladda FS , ayna isku soo dhoweyn doonaan aragtida
ismaandhaafsan ee ay kala aaminsan yihiin , waxaanu la hadleynaa ayuu yiri
dhamaan inta khilaafka uu u dhaxeeyo .
Axmed Abul- Gheyd oo wareysi siiyay maalinimadii shalay Wargeyska
Alahraam ee ka soo baxa dalka Masar ayaa muujiyay in muhiimada koowaad ay
tahay in la is haleelsiiyo doonista Siyaasadeed ee dhinacyada muranka uu u
dhaxeeyo ee Soomaaliya
Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Soma;iya
|