Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
Wasiiro ka socda maamul goboleedka Puntland oo soo gaaray Magalaga jowhar

Waxaa daqiiqado ka hor ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar wasiiro ka socda dowlad goboleedka puntland, kuwaasoo doonaya inay kulamo la qaataan madaxda sare ee dowladda oo haatan ku sugan magaalada Jowhar.

Wasiiradan ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka Maaliyadda ee maamul goboleedkaasi Maxamad Cali Yuusuf Gaagaab iyo wasiirka warfaafinta C/risaaq Yuusuf Geesood iyo sedax xubnood oo kale sida uu RSTV u xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta ee dowladda fedraalka Maxamad Cabdi Xayir Maareeye oo ku sugan magaalada jowhar.

Socodka wasiiradan ayaa lala xiriirinayaa qilaaf dhowaan ka dhex aloosmay dowladda federaalka iyo maamulka puntland, kaasi oo salka ku hayay baaritaanka qeyraadka puntland oo ay dowladda dhexe tilmaantay inay iyadu xaq u leedahay heshiisyada caalamiga ah, halka maamulka puntland uu si adag uga soo horjeestay, islamarkaasina uu sheegay inay u madax banaan yihiin arimaha gudahooda ah.

Safarka wasiiradan waxaa ku wehlinayay maanta Wasiirka kaluumeysiga iyo qeyraadka badda Xasan Abshir Faarax oo maalmahan ku sugnaa gobolada maamulka Puntland. Waa markii ugu horeysay oo ay Wasiiro ka socda maamulka Puntland ay soo gaaraan magaalada Jowhar tan iyo markii dhidibada loo taagay dowladda federaalka Soomaaliya.

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula

Muqdisho Somaliya

jakuula@hotmail.com