|
Wasiiradii dhawaanka ambabaxday Luuq oo dib ugu laabtay qaarkood
Baladxaawo,weerar lagu qaaday xarunta care ee ceelwaaq Kenya iyo Maxamud
Sayid Aadan oo Jowhar kusoo foo leh.
Wasiirada dhawaan ka tagay Luuq gaarayna magaalada Waajid ayaa qaarkod
waxa ay maanta dib ugu soo laabteen magaalada Baladxaawo..
Wafdiga maanta dib ugu soo laabtay gobolka Gedo waxaa ka mid ahaa wasiiro
,wasiir ku xigeeno iyo xildhibaano uu ka mid ahaa xildhibaan Xuseen Caddaawe
.
Xuseen Caddaawe ayaa Rochester Somali Tv u sheegay in soo laabashadooda
ay la xirirto sugida amaanka iyo sii wadida howlaha dowlada ee gobolkan
isagoo sheegay in xubnihii Gedo ka ambaxay ay is qeybiyeen oo qaarkood
iminka ay ku sugan yihiin Waajid halka qaarka kale ay kusoo laabteen Gedo.
dhanka kale wasirka hantida qaranka Maxamud Sayid Aadan ayaa u kicitimay
magaalada Jowhar isagoo ka tagay magaalada Waajid oolabadii maalin ee ugu
danbaysay uu ku sugnaa.
Wararka kale ee ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Weerar loo
adeegsaday bam saaka waa barigii lagu qaaday xarunta hay'adda gargaarka ee
lagu magacaabo Care ay ku leedahay degmada Ceelwaaq Kenya .
Weerarkan lala beegsday xarunta hay'adda Care ayaan la ogayn cidda sida
rasmiga uga danbeysa waxaana dhaawac uu kasoo gaaray 7 qofood .
Weerarka lagu qaaday xaruntan ayaa yimid xilli hay'addu ay isu
diyaarinaysay in deeq raashin ah ay gaarsiiso degmada Ceelwaaq Somalia.
Maxamed Cumar Shiikh.
Rochester Somali Tv,Muqdisho.
Mcadde@rstvonline.com.
|